Weerar Dad Shacab Ah Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Waqooyiga Dalka Ciraaq.

Wednesday December 20, 2017 - 12:33:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Dad Shacab Ah Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Waqooyiga Dalka Ciraaq.

    Rabshado khasaara badan dhaliyay ayaa ka dhacay gobolka Kurdistaan ee Waqooyiga Wadanka Ciraaq halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ay ka jireen xiisado siyaasadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabshado khasaara badan dhaliyay ayaa ka dhacay gobolka Kurdistaan ee Waqooyiga Wadanka Ciraaq halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ay ka jireen xiisado siyaasadeed.



Wararka ka imaanaya Waqooyiga Ciraaq waxay sheegayaan in isku dhacyo dhax maray dad shacab ah iyo ciidamo boolis ah ay sababeen dhimashada 5 qof.

Iska Hor’imaadyada ayaa yimid kadib markii dad ka caraysan mashruuca beeqaaminta dhaqaalaha ee xukuumadda maxalliga ah ku dhaqaaqday ay weerar kala lulmeen ciidamada maamulka.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rabshado xooggan ay ka socdaan degmada Rayaan oo hoostagta magaalada Suleymaaniya, sidoo kale ciidamo hubeysan ayaa xoog ku galay xarun Telefeshin oo magaalada kutaal kadib markii lagu eedeeyay in ay faafinaysay kacdoon shacbi.



Xaaladda gobolka Kurdistan ee Waqooyiga Ciraaq ayaa gashay jiha wareer kadib markii bilo ka hor laga qaban qaabiyay Afti ugogol xaareysay in gobolkaasi Noqdo dowlad ka madax banaan Ciraaq inteeda kale.

Xayiraad dhanka ganacsiga ah ayay dowladaha iiraan iyo Turkiga kusoo rogeen maamulka kajira gobolka Kurdistan tallaabadaas oo sii xumeysay xaaladda dhaqaale ee dowlad goboleedkaasi wajahayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items