Daawo Video: Khabiir Suudaani Ah Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Khilaafka Muqdisho Kajira "Siyaasiyiinta Soomaalida Dhammaantood Waxay la shaqeeyaan Shisheeye".

Wednesday December 20, 2017 - 12:49:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Khabiir Suudaani Ah Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Khilaafka Muqdisho Kajira "Siyaasiyiinta Soomaalida Dhammaantood Waxay la shaqeeyaan Shisheeye".

    Xilli Jiha wareer dhanka siyaasadda ah uu ka dhax jiro dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradsan xiisad dhanka siyaasadda ahna laga dareemayo Muqdisho ayay khubaro Carbeed ka hadleen halka dhibaatadu ka jirto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli Jiha wareer dhanka siyaasadda ah uu ka dhax jiro dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradsan xiisad dhanka siyaasadda ahna laga dareemayo Muqdisho ayay khubaro Carbeed ka hadleen halka dhibaatadu ka jirto.

Al-Amiin Cabdi Rizaaq oo ah khabiir Suudaani ah oo ku takhasusay arrimaha geeska Afrika ayaa sheegay in Soomaliya ay ka jirto dowlad fashilantay.

isagoo ka qeyb qaadanayay Barnaamij gaar ah oo Telefeshinka Aljazeera ka sameeyay xaaladda Soomaaliya ayuu yiri "xaqiiqdii Somaaliya Waxaa Kajirta dowlad fashilantay oo aan inta badan wadanka maamulin, inta badan Siyaasiyiinta Soomaalida waxay la shaqeeyaan dowladaha shisheeye qaarkooda waxay dhaqaale ka qaataan Imaaraatka, qaarkood Mareykanka, qaarkood Qadar, qaarkood Itoobiya, qaarkood sacuudiga halka qaar kale ay ku xiranyihiin Itoobiya”.


Ninkan Khabiirka ah wuxuu carrabka ku adkeeyay in khilaafka hadda Muqdisho kajira uu salka ku haayo wadashaqeyn shisheeye iyo faragelin dibadeed wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay warkii kasoo baxay xeer ilaaliyaha DF-ka ee sheegayay in xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay wadaan qaran dumis iyagoo lacago kasoo qaadanaya dowlado shisheeye.

Al-amiin Cabdi Rizaaq ayaa ka shanqariyay xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay dal shisheeye walaaqayo oo sida uu rabo ka yeelayo isagoo adeegsanayo siyaasiyiin dabadhilifyo ah.

Warfaafinta dowladda Qadar ayaa iyana maalmihii lasoo dhaafay diiradda saareysay eedeynta ka timid xeer ilaaliyada DF-ka ee ah in dowlado shisheeye ay mas’uul ka yihiin abaabulka Baarlamaanka ee ka dhanka ah Farmaajo waxayna warfaafinta Qadar carrab dhabeysay dowladda imaaraatka Carabta.

Halkan ka degso ama Hoos Ka Daawo



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items