Muxuu Ka dhiganyahay Xarigga iyo Sii deynta Siyaasi Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame W/Q Hilaal Colaad.

Thursday December 21, 2017 - 19:19:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Ka dhiganyahay Xarigga iyo Sii deynta Siyaasi Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame W/Q Hilaal Colaad.

    Kadib Cadaadisyo dhan walba ah oo ay la kulmeen madaxda Dowladad Federaalka ayay ugu dambeyn sii daayeen Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo lagu xiray weerar isbuucan gudihiisa ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Cadaadisyo dhan walba ah oo ay la kulmeen madaxda Dowladad Federaalka ayay ugu dambeyn sii daayeen Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo lagu xiray weerar isbuucan gudihiisa ka dhacay magaalada Muqdisho.


Kulamo aan kala joogsi laheyn oo saacadihii lasoo dhaafay ka socday Villa Somalia ayaa sababay in lasii daayo, hoggaamiyaha maamulka Galmudug,Odayaal dhaqameedyo iyo xildhibaanno katirsan DF-ka ayaa saxiixay heshiis damiin ahaa oo lagusii daayay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Sawir lagasoo qaaday daqiiqado kadib markii lasii daayay ayaa muujinayay isagoo gacanta faashadi ugu duubantahay oo xiran dharka shacabka wuxuuna muujinayay Nin faraxsan.


Xildhibaan Cabdi Xakiim Fiqi oo horay usoo noqday Taliyaha Nabad sugidda DF-ka ayaa sheegay in gardarro lagu heystay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur wuxuuna ku jees jeesay Farmaajo iyo Kheyre.

"Ugu danbeyn Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxey, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo, Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shuruudaha lagusii daayay C/Raxmaan Cabdi Shakuur ay kamid yihiin in uusan warbaahinta lahadlin karin, in uusan qaban karin shirar siyaasadeed iyo kuwa saxaafadeed inta laga dhameystirayo baaritaannada dambiyada loo heysto.

Markii lasii daayay ayuu Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu ku sheegay in "Caddaalada ay waareyso Caddaalad darada ay fashilmeyso”.

Sidoo kale maanta duhurkii ayaa lasoo gaba gaba gabeeyay Maxkamadeyntiisi iyadoona Maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in lagu waayay wax dambi ah islamarkaana waxay amartay in lasii daayo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in aan xukunkan racfaan laga qaadan Karin taas oo macnaheedu yahay in Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo hardankii siyaasadeed uga adkaaday dowladda Federaalka.

"Waxaa ugu baaqayaa madaxda dalka, waa laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, dalkan xilli dib loo celiyay lama joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, labada guddoonka Baarlamaanka ee Aqalka sare iyo Golaha shacabka, waxaa ugu baaqayaa inay sharciga la tiigsanaa cid walba oo sharciga ka hor timaada”ayuu yiri Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Dad badan ayaa aaminsan in Madaxda Dowlada Federaalka ay iska khafiifiyeen culeys siyaasadeed iyo mid amni oo ku hor gudbanaa waxaana la saadaalinayay in haddii Villa Somalia kusii adkeysan laheyd siyaasadda dilka iyo xarigga siyaasiyiinta mucaaradkeeda ah ay Muqdisho marti gelin laheyd dagaaallo qaab beeleed ku saleysan oo dhaxmara ciidamada DF-ka dhaxdooda.

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo horay ugu ceebeysnaa "Ninkii Badda gatay" ayaa hadda laga yaabaa in uu taageero ku helo wixii ku dhacay isniintii lasoo dhaafay, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta DF-ka ayaa iyana indhaha kala qaaday waxayna ogaadeen in cid walba oo kasoo Horjeeda Kheyre iyo Farmaajo ay tahay dil sugayaal ama ugu yaraan in xabsiga ladhigi doono sidaasna waxaa kusoo laabtay nidaamka dhanka dhaqanka kaligii talisnimada uga  Eg Siyaad Barre balse ah nidaam dabadhilif ah oo jeebka ugu jira dowalado shisheeye  sida Itoobiya iyo Mareykanka.

Hab dhaqankan wuxuu meesha ka saarayaa wixii ay sheegan jireen madaxda DF-ka oo ahaa in ay ogolyihiin faafinta nidaamka xisbiyada badan iyo xuriyadda hadalka oo lagu daray waxa loogu yeero Dimuquraadiyadda, Kheyre ayaa hadal uu ujeediyay jaaliyadda Soomaalida ee wadanka Mareykanka wuxuu ku sheegay in aysan jiri doonin wax ladhaho "dhax dhaxaad" isagoo xilligaasi yiri "Al Shabaab ama dowladda wax ka dhaxeeya majiraan" taas waxay aheyd sir kasoo fakatay isaga iyo Farmaajo oo sida muuqata isku caqli ah islamarkaana ku heshiiyay in ay xilka wada hayaan ama ay isla dhacaan.

Fashilkii dhanka maamulka ee Kheyre lakulmay bilihii lasoo dhaafay iyo weerarkii C/Raxmaan Cabdi Shakuur  waxay muujinaysaa isku kalsooni la’aanta Villa Somalia ka dhax jirta  oo lugaha hadda u gelisay wixii ay ka baqayeen oo ah Kacdoonkii kasoo horjeeday oo sii xoogeysta iyo iyagoo  jabiyey Dastuurkii dowladaha shisheeye usoo camcamiyeen ee siyaasiyiinta  u fasaxayey in ay Fikirkooda si xor ah u dhiiban karaan  uuna dhisan karaan Xisbiyo.

Arrinta iyana xusidda mudan ayaa ah in dowladda Farmaajo ay noqotay mid dhan walba oo xummaan ah uga horraysa dowladihii ka horreeyay sida iyadoo xasuuqa shacabka ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo AMISOM mas'uuliyadooda sheegata islamarkaana dadka shacabka ah ku tilmaamta Argagaxiso, xataa waxaa dowladdaan dhaama Xamiid Karzaay oo ahaa camiil Mareykan ah oo marka shacabkiisa la xasuuqa cambaareyn jiray.

Wixii Bariire ka dhacay ee xasuuqa ahaa iyo warkii Cabdi Raxmaan Yariisoow kasoo baxay oo lagu daray weerarkii guriga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur lagu qaaday ee lagu laayay ciidamadii ilaalada u ahaa ayaa ka careysiiyay mid kamida beelaha ugu awoodda badan magaalada Muqdisho shakina kuma jiro haddii arrimahaas oo kale sii socdaan DF-ka dhalan rogmi doonto sidii laga arkay ifafaalaha Muqdisho kadib xarigii Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur.

W/Q Hilaal Colaad Toosane

Related Items