Xildhibaan Mahad Salaad "96 Xildhibaan ayaa Saxiixday Mooshinka Ka Dhanka ah Madaxweyne Farmaajo".

Thursday December 21, 2017 - 11:04:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mahad Salaad "96 Xildhibaan ayaa Saxiixday Mooshinka Ka Dhanka ah Madaxweyne Farmaajo".

    Saacadon kadib markii uu xuriyaddiisa dib u helay Mid kamida siyaasiyiinta ugu cad cad mucaaradka dowladda Farmaajo ayay xildhibaanno katirsan DF-ka waxay ku dhawaaqeen in ay saxiixeen mooshin cusub oo ka dhan ah xukuumadda Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadon kadib markii uu xuriyaddiisa dib u helay Mid kamida siyaasiyiinta ugu cad cad mucaaradka dowladda Farmaajo ayay xildhibaanno katirsan DF-ka waxay ku dhawaaqeen in ay saxiixeen mooshin cusub oo ka dhan ah xukuumadda Kheyre.

 


Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu xusay in hadda ay heystaan Xildhibaano ku filan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in 96 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayuu sheegay in ay Guddoonka Golaha shacabka ka codsadeen in uu kalfadhiga Baarlamaanka dib u furo si ay howlaha hadda taagan u dhameystiraan.


Mahad,ayaa sheegay in Warqadda codsiga in guddonka dib u furo fadhiga Baarlamaanka ay diyaariyeen walina aysan u gudbin Guddoonka,waxaana uu intaas raaciyay in ay gudbin doonaan.

Mooshinka ayaa xoogeystay kaddib markii Axaddii Ciidanka amaanka ay weerar ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadajir.

C/Raxmaan C/Shakuur ayaa xalay laga siidaayay Xabsiga iyada oo maanta la filayo in Maxkamadda gobolka Banaadir uu mar kale ka soo hormuuqdo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in kalfahdiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay fuliyaan.

Warbixin dheer oo wakaaladda wararka Reuters ay ka qortay xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee kajira magaalada Muqdisho ayay ku sheegtay in xaafado katirsan magaalada ay isku aruursadeed maleeshiyo beeleedyo kasoo horjeeda dowladda Farmaajo islamarkaana ay jiraan caadifado qabiil oo ku baaqaya in larido dowladda hadda jirta.

Reuters waxay soo hadal qaaday carada ka dhalatay Xasuuqii ciidamada Mareykanka ay ka geysteen deegaanka Bariire kadibna ay salaadiin katirsan beesha Habar gididr at warbaahintu si kulul uga hadleen iyagoo eedeynayay dowladda Federaalka oo mar sheegatay mas'uuliyadda xasuuqii deegaanka Bariire loogu geystay dad shacab ah oo badankood kasoo jeeday beesha Habar Gidir.

Halkan ka akhri warbixinta wakaaladda Reuters

Isha Warka:SomaliMeMo,Radio Mustaqbal

 

Related Items