Dhageyso: Qeybinta Xoolaha Zakada Oo Ka Bilaabatay Wilaayaatka Islaamiga Soomaaliya.

Thursday December 21, 2017 - 19:28:18 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Qeybinta Xoolaha Zakada Oo Ka Bilaabatay Wilaayaatka Islaamiga Soomaaliya.

    Gobollada Dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya waxaa wali si habsami leh uga socda Qeybinta xoolaha Zakawaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobollada Dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya waxaa wali si habsami leh uga socda Qeybinta xoolaha Zakawaadka.

Wilaayaadka Mudug iyo Galguduud ee bartamaha soomaaliya ayaa kumanaan xoola nool ah loo qeybiyay dadka furqada iyo masaakiinta ah.

Mas’uuliyiinta xafiiska Zakawaatka shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in qoysas badani ka faa’iidaysteen zaka qeybinta.

Degmooyinka Xarardheere,Jowllo iyo deegaanno hoos yimaad Mudug ayaa xoolaha zakawaadka laga qeybiyay sidoo kale boqolaal qoys oo ku sugan degmooyin iyo deegaanno Galguduud katirsan ayaa ka faa’iidaystay mashruucan zaka qeybinta.

 

Degmooyinka kala ah Galhareeri,Ceelgaras,Xiindheere,Ceeldheer,Galcad,Messaga-waa Jacar,Dirri iyo Bargaan ayaa fuqarada iyo masaakiinta loogu qeybiyay xoolaha zakawaadka oo isugu jira Geel,Ari,Geel iyo lo’.

Sidoo kale Boqolaal qoys oo Fuqaro iyo Masaakiin ah ayaa ka Faa'iidaystay mashruuca Zaka qeybinta oo maktabka Zakawaatka wilaayada Islaamiga Jubbooyinka uu ka fuliyay degmada Saakoow iyo deegaanada hoos yimaad.

Mas'uuliyiin Katirsan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa ku sugnaa goobaha xoolaha Zakawaatka loogu qeybinayay, degmooyinka ay ka Midyihiin Bu'aale.Jilib iyo Salagle ayay howlaha Zaka Qeybinta si habsami leh uga socdaan.

Halkan ka degso Warbixinno ku saabsan Zaka Qeybinta MP3

ama ku Dhageyso Youtube halkan Guji ama hoos ka eeg


Related Items