Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Waaberi iyo Weerar Ka Dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha.

Saturday December 23, 2017 - 10:15:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Waaberi iyo Weerar Ka Dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha.

    Rag hubeysan ayaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ee taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ee taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ayaa sheegaya in xoogag bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen guddoomiye waaxeed u shaqeynayay maamulka degmada Xamarweyne.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan ay qeybta sare ee jirka ka toogteen guddoomiye waaxeedka oo magaciisa lagusoo gaabiyay (Nuuraani) kaas oo caan ka ahaa degmada Xamarweyne.

Guddoomiyaha degmada Waaberi ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye waaxeedka ladilay uu katirsanaa maamulka Xamarweyne balse lagu dilay mid kamida xaafadaha Waaberi.


Dhinaca kale ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar khasaara dhaliyay ku qaaday saldhig ay ciidamada Nabad sugidda DF-ka ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Iska hor'imaadka oo aad u xooganaa ayaa ka dhacay saldhig ciidan oo kuyaal halka loo yaqaan Baar Jowhar ee xaafadda Suuqa Xoolaha, ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu gaaray ciidamada la weeraray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items