Qarax Gaari looga Gubay AMISOM Oo Ka Dhacay Wadada Jeneraal Daa'uud iyo Sarkaal lagu Dilay Degmada X/Weyne.

Saturday December 23, 2017 - 20:11:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga Gubay AMISOM Oo Ka Dhacay Wadada Jeneraal Daa'uud iyo Sarkaal lagu Dilay Degmada X/Weyne.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay lala helay gaari gaashaaman oo ay la socdeen ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.

Qaraxa oo ka dhacay Wadada Jeneraal Daa’uud gaar ahaan meel ku dhow Daarsta Sports-ka ayaa sababay gubashada gaari Taaw ah oo ay la socdeen ciidamada Uganda, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku arkeen wadada hareeraheeda gaari gubanaya iyo Ciidamo Meydad iyo dhaawac ah oo dhulka daadsan.


Daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay ayay ciidamo ka dhaqaaqay isbartiibada waxay gaareen goobta iyagoo burburka gaariga goobta ka jiiday islamarkaana daabulay Meydad iyo dhaawacyo.

Dhinaca kale sarkaal katirsanaa ciidamada Nabad sugidda DF-ka ayaa caawa Fiidkii lagu dilay degmada Xamarweyne, sarkaalka ladilay oo magaciisa lagusoo koobay Ayaanlle waxaa dilay rag bastoolado ku hubeysan oo markii dambe goobta isaga dhaqaaqay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items