Madaxda Turkiga iyo Imaaraatka Carabta Oo Warbaahinta iska Weeraray Xilli Khilaaf Xooggan uu Ka dhax jiro.

Sunday December 24, 2017 - 11:29:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Turkiga iyo Imaaraatka Carabta Oo Warbaahinta iska Weeraray Xilli Khilaaf Xooggan uu Ka dhax jiro.

    khilaaf aad uxooggan ayaa ka dhax qaraxay xukuumadaha dabadhilifyada ah ee kajira Wadamada Turkiga iyo imaaraatka carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khilaaf aad uxooggan ayaa ka dhax qaraxay xukuumadaha dabadhilifyada ah ee kajira Wadamada Turkiga iyo imaaraatka carabta.

Khilaafka ayaa salka ku haaya kacdoonadii gugaga carabta ee sanaddii 2011 ka hana qaaday qaar katirsan wadamada carabta, turkiga ayaa kacdoonadaas taageeray halka mucaskarta imaaraatka carabta iyo Sacuudiga ay kasoo horjeesteen kuna tilmaameen mid halis ah oo taageera siinaysa waxa ay ugu yeereen argaagxisada oo ay ula jeedaan jamaacaadka jihaadiga ah.

khilaafka dhinacyada udhaxeeya intaas kuma eka ee wuxuu dabada lasii gelayaa Tayaarka ikhwaaniga unasab sheegta ee Turkiga maamula oo dagaal dhanka siyaasadda ah uu kala dhaxeeyo Aala sacuud iyo xulufada imaaraatka oo Masar ay kamid tahay.


Maalmihii lasoo dhaafay ayay eedeymo kulul hawada isku dhaafsanayeen hoggaamiyaasha labada dal waa turkiga iyo imaaraatka carabta, dowladda Turkiga ayaa si aad ah uga carootay qoraal uu bartiisa Twitterka ku faafiyay Cabdalla Bin zayed Aala Nahyaan oo ah wasiirka arrimaha dibadda Imaaraatka, Bin zayed ayaa aad u weeraray nidaamka turkiga kajira balse intaas kuma ekeysane wuxuu dib u faafiyay qoraal uu qoray Nin calmaani ciraaqi ah oo ijaafeynayay mid kamida mas’uuliyiintii khilaafadii  cusmaaniyiinta oo mar maamuli jirtay dhammaan wadamada caalamka islaamka oo wadamo Yurub ah kamid yihiin sida albaaniya iyo Boosniya.

Wasiirka imaaraatiga ayaa fakhrudiin Baasha oo ahaa waaligii ugu dambeeyay ee dowladda cuthmaaniyiinta magaalada madiinah ku tilmaamay tuug xaday hantida dadkii magaalada tallaabadaas oo cara abuurtay, wasiirka imaaraatiga ah xataa wuxuu weeraray Erdogaanka dabadhilifka ah ee hadda maamula Turkiga.

Erdogan  ayaa si cara leh uga jawaabay warka kasoo yeeray imaarataka carabta wuxuuna sheegay mid aan la qaadan Karin, isagoo jaahil ku sifeeyay wasiirka arrimaha dibadda imaaraatka carabta.

Dowladda Turkiga intaas kuma ekaysane waxay sheegtay in magac cusub loo bixiyay wadada hor marta dhismaha safaaradda dowladda Imaaraatka Carabta ee magaalada Ankara "Wareegto rasmi ah oo kasoo baxday duqa magaalada Ankara ayaa wadada hor marta safaaradda Imaaraatka  loogu magac daray Fakhrudiin Baasha" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Telefeshin Afka xukuumadda Turkiga ku hadla.

Xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa Dubai iyo Ankara ayaa meel xun gaartay waxaana xusid mudan in muddo 7 sanadood ah uu go'anyahay xiriirka dhanka diblumaasiyadeed ee Turkiga iyo imaaraatka u dhaxeeya waloow cilaaqaadka ganacsiga ee wadamadaasi si caadi ah ku socdo.

Related Items