Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay tababar usoo xirtay dufcaddii ugu horraysay oo ah ciidamo ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabad shalay ka dhacday saldhigga melleteriga Turkiga ee magaalada
Muqdisho waxaa ka qeyb galay Max’med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda
Federaalka.
Farmaajo ayaa walaac ka
muujiyay in ciidamadan ay maraan halkii ay mareen kumanaan ka horreeyay oo
tababarro ku qaatay gudaha dalka iyo dibadda kadin lawaayay halka ay mareen.
Wuxuu sheegay in ciidamada tababarka qaatay looga baahanyahay in ay meel iska
dhigaan dhaqanka qabyadda ee ladegay madaxa DF-ka askari illaa iyo madax.
"Askari xun ma jiro, laakiin waxaa jira sarkaal xun, maxaa yeelay ficilka
askariga waa ficilka madaxdiisa, waxaa loo baahan yahay waajibaadkeena in aan
gudano" ayuu yiri Farmaajo.
Hoggaamiyaha DF-ka ayaa ka digay in ciidamada Tababarka ku qaatay saldhigga
Turkiga ay dib ugu laabtaan qaabkii maleeshiyaadka ayna hoosta ka galaan
saraakiisha beelahooda.
"Hadii qaabkii hore aan ku jirnay iyo duruufihii adkeyd aan u fikireynay oo ah
qaababka guracan ee qabyaalada ama beelo, waa in aan u fakirno qaab qaran” ayuu
hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo.
Hoggaamiyaha DF-ka ayaa horay ugu cataabay in ciidamada dowladdiisu aysan
laheyn caqiiddo Janno gelinaysa oo ay u dhintaan halka ciidamada Shabaabul
Mujaahidiin ay leeyihiin Caqiiddo jannada gelinaysa oo ku riixaysa in ay
udagaallamaan oo loo dilo.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Farmaajo Oo Walaac Ka Muujiyay in Ciidamada lagu Tababaray Saldhigga Melleteriga Turkiga Ay Qaab Qabiil ukala Saftaan.
Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay tababar usoo xirtay dufcaddii ugu horraysay oo ah ciidamo ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.