Codad+Warbixin: Jawaasiis U Shaqeynayay Dowladda Mareykanka iyo Cadow Maxalli Ah Oo Lagu Dilay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Sunday December 24, 2017 - 21:12:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Codad+Warbixin: Jawaasiis U Shaqeynayay Dowladda Mareykanka iyo Cadow Maxalli Ah Oo Lagu Dilay Duleedka Magaalada Baydhabo.

    Maxkamad islaami ah oo taabacsan XarakadaAl-Shabaab ayaa xukun dil ah waxay ku ridday dhowr ruux oo lagu eedayay in ay la shaqeynayeen sirdoonno caalami ah iyo kuwa maxalli ah oo dagaal kula jira shacabka muslimka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad islaami ah oo taabacsan XarakadaAl-Shabaab ayaa xukun dil ah waxay ku ridday dhowr ruux oo lagu eedayay in ay la shaqeynayeen sirdoonno caalami ah iyo kuwa maxalli ah oo dagaal kula jira shacabka muslimka Soomaaliyeed.


Deegaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujira 60 KM  ayaa maanta gelinkii dambe lagu dilay illaa iyo 5 Ruux oo la shaqeynayay dowladda Mareykanka,Dowladda Federaalka  iyo maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ah ee wilaayada Bay iyo Bakool ayaa fagaarihii dilku ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagusoo eedeeyay Ragga lagu dilay deegaanka Iidaale.

Hoos Ka Akhri Magacyada  Jawaasiista ladilay iyo dhinacyada ay la shaqeynayeen.



Mahad Cali Xasan wuxuu la shaqeynayay ciidamada Bangarafka ee Maraykanka uu tababaray, halka Jibriil Saalax Xaaji Maxamed uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka, Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland, Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda, halka C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur galbeed ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

Halkan ka dhageyso Qaadiga Maxkamadda oo xukunka ridaya MP3

Related Items