Weerar 10 Qof Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Caasimada Afghanistan.

Monday December 25, 2017 - 12:30:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 485
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 10 Qof Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Caasimada Afghanistan.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda u ah wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda u ah wadanka Afghanistan.

Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen weerar uu fuliyay Nin naftiis hure ah oo ka dhacay meel ku dhow xarunta Mukhaaraatka magaalada Kaabul.

Nasrat Rahimi oo ah Afhayeenka wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Afghanistan ayaa u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska in dhimashadu gaartay 10 qof isagoo si kulul ucambaareeyay qaraxa.

Isbuucii lasoo dhaafay qarax aad u xooggan balse aan khasaara badan geysan ayaa ka dhacay caasimadda wadanka Afghanistan, Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa badanaa fulisa weerarada hubeysan ee ka dhanka ah isbaheysiga NATO iyo ciidamada Mareykanka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items