Tuunis Oo Mamnuucday Diyaaradaha Duulimaadyada Imaaraatka Carabta Kadib Khilaaf soo Shaac Baxay

Monday December 25, 2017 - 08:29:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuunis Oo Mamnuucday Diyaaradaha Duulimaadyada Imaaraatka Carabta Kadib Khilaaf soo Shaac Baxay

    Xiriirka diblumaasiyadeed uu dhaxeeya wadamada Tuunis iyo Imaaraatka Carabta ayaa aad u xumaaday kadib markii ay labada dal is dhaafsadeen awaamir is khilaafsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka diblumaasiyadeed uu dhaxeeya wadamada Tuunis iyo Imaaraatka Carabta ayaa aad u xumaaday kadib markii ay labada dal is dhaafsadeen awaamir is khilaafsan.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda duulista hawada Tuunis ayaa lagu sheegay in la mamnuucay dhammaan shirkadaha diyaaradaha Dowladda Imaaraatka in ay soo galaan hawada wadankaasi.

Bayaan kasoo baxay dowladda dabadhilifka Tuunis ayaa lagu sheegay in mamnuucistan ay sii socan doonto illaa dowladda Imaaraatka Carabta ay ka laabaneyso go’aan Khamiistii lasoo dhaafay ay ku joojisay in dumarka Tuunis kasoo jeeda ay raacaan diyaaradaha usafraya wadanka magaalooyinka imaaraatka.


"Go’aankan aan ku mamnuucnay shirkadaha dowladda Imaaraatka waa sii jiri doonaa illaa xal munaasab ah looga helayo sababta loo diiday in durmaka Tuunisiyaatka ah ay usafraan Imaaraatka Carabta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Tuunis.

Waaxda socdaalka dowladda Imaaraatka aya Khamiistii lasoo dhaafay dib ucelisay tobaneeyo Dumar Tuunisiyaat ah waxayna ku macneysay tallaab dhanka amniga ah oo si KMG ah u socan doonto.

Xayiraaddan ayaa saameyn doonto diyaaradaha Fly Emarats,Al Itihaah iyo Fly Dubai oo dhammaantood ay leedahay dowladda Imaaraatka Carabta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items