Dadka Deegaanka Jawiil Oo Qaaday isbaaradii Ugu Weyneed Dalka Soomaaliya [Warbixin].

Monday December 25, 2017 - 16:07:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Deegaanka Jawiil Oo Qaaday isbaaradii Ugu Weyneed Dalka Soomaaliya [Warbixin].

    Kadib kulan aan loo kala harin oo dadka deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan ay yeesheen ayay go'aan buuxa ku gaareen in ay qaadaan isbaarada ugu weyn Soomaaliya taas oo taal deegaanka Kalabeyrka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan aan loo kala harin oo dadka deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan ay yeesheen ayay go'aan buuxa ku gaareen in ay qaadaan isbaarada ugu weyn Soomaaliya taas oo taal deegaanka Kalabeyrka.

Maalintii sedaxaad waxaa lasoo sheegayaa in wax isbaara ah aysan oollin deegaanka Kalabeyrka oo Todobadii sanadood ee lasoo dhaafay ay isbaaro utiillay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad soomaali ah.

Ilo wareedyo ay SomaliMeMo ka heshay gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo deegaanka ah oo ay leeyihiin waxgaradka degmada Jawiil ay degeen meel ku dhow Kala Beyrka waxayna ku hanjabeen in dagaal ay lagelayaan cid walba oo isku dayda in ay dib usoo celiso isbaaradii dadka musaafurka ah lagu dhibi jiray.


Odayaasha iyo dadka Jawiil ayaa carababay in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo gaareen Kalabeyrka iyagoo amar ku bixiyay in dib loosoo celiyo isbaaradii lacagta badan laga heli jiray balse waxay la kulmeen hanjabaad kulul oo uga timid dadka deegaanka.

"Maalintii sedaxaad waa faaruq deegaanka Kala Beyrka oo mataal isbaaradii caanka ku aheyd dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, isbaarada waxaa qaaday dadka deegaanka Jawiil” sidaas waxaa yiri qof la hadlay SomaliMeMo.

Isbaaradan oo lacago Boqolaal kun dollar ah bil walba ay kasoo xaroon jirtay ayaa maamulka fadhigiisu yahay magaalada Beled Weyne waxay u aheyd Dekad Yar marka loo eego lacagta baaxadda leh ee uu ka heli jiray, isgoyska Kala beyrka waxaa ku kala leexda laba waddo oo mid ay aaddo dhanka dhulka soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato halka wadada kale ay aaddo Boosaaso illaa Burco.

Dadka deegaanka Jawiil waxay sheegayaan in isbaaradan ay dib udhac dhan walba ah u horseeday horumarka deegaanka sida tuugeysan oo mandiqadda kusoo batay iyo fuxshiga ay geysanayaan Maleeshiyaadka Amxaara kal kaalka ah oo saameysay akhlaaqda dhalinyarada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items