Ciidamada Al Shabaab Oo Gudaha Ugalay Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Monday December 25, 2017 - 20:49:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Gudaha Ugalay Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

    Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay degmada Afgooye ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay degmada Afgooye ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay caawa Maqribkii ka bilaawdeen gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye oo uu kajiro maamul taabacsan DF-ka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada SHM ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowlada Federaalka.

Warar laga helay Afgooye ayaa xaqiijinaya in ciidamada Al Shabaab ay xoog kusoo jiireen difaacyadii ciidamada DF-ka kadibna ay gudaha usoo galeen magaalada.


Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab oo gudaha magaalada ku Roondeynaya, idaacadda Andalus ee Afka Shabaabul Mujaahidiin ku hadasha ayaa iyana sheegtay in mujaahidiintu howlgal xooggan ka fuliyeen magaalada.

Warar madax banaan waxay sheegayaan in dagaalku uu ku bilaawday weerar xooggan oo lagu qaaday laba koontarool kadibna gudaha magaalada layslasoo galay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah la maqlayo balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan markale dib ugasoo cusboonaaday Afgooye.

Dhammaan mas’uuliyiin degmada iyo Saraakiisha ciidanka ayaa marka gabalku dhaca isaga baxa degmada waxayna aadaan dhanka magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items