Guddoomiye Ku Xigeenka Sh/Hoose "Ciidamada Melleteriga Isbaarooyinka ayay soo dhigteen Waddooyinka Dumarkana Way Kufsanayaan" Dhageyso.

Tuesday December 26, 2017 - 11:46:36 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku Xigeenka Sh/Hoose "Ciidamada Melleteriga Isbaarooyinka ayay soo dhigteen Waddooyinka Dumarkana Way Kufsanayaan" Dhageyso.

    Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa isbaarooyin hor leh soo dhigtay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa isbaarooyin hor leh soo dhigtay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeyaha AMISOM.



Cabdi Fataax Cabdulle Yuusuf oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Hoose ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ciidamada Melleteriga ay isbaarooyin u dhigtaan dadka marrasta ah ayna kufsanayaan dumarka iyagoo aan kala sooceyn waayeel iyo dhalinyaro.

"Ciidamo Milateri oo qaab beeleed u abaabulan ayaa bilaabay inay isbaarooyin soo dhigtaan, waxaa isbaaradii u dambeysay la soo dhigay deegaanka Xaawo Cabdi”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.



Mas’uulkan katirsan Dowladda Federaalka ayaa qiray in ciidamada melleteriga oo dhowaan uu sh/Hoose geeyay Abaanduulaha ciidanka Xoogga Cabdullaahi Cali Caanood ay wadaan wax uu ugu yeeray Burcadnimo shaati dowladeed loo geliyay.

isbaarooyinka ugu badan waxay yaallaan wadada xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho iyo sidoo kale wadada xiriirisa Wallaweyn iyo degmada Afgooye waxaa xusid mudan in dhulka isbaaradu taal uu yahay dhulka AMISOM xoogga ku joogto balse deegaannada xurta ah ee Shabaabul Mujaahidiin ka taliso ay dadku amni iyo Nabad gelyo ku maraan.

Halkan ka degso Qiraalka Guddoomiye ku xigeenka Sh/hoose ama Hoos ka dhageyso


Related Items