Video: Sacuudiga Oo 100 Milyan Oo Dollar Ku Maalgeliyay isbaheysi Faransiisku Dhisay iyo Al Qaacidda Oo Si Adag Uga Hor tagtay.

Wednesday December 27, 2017 - 19:25:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Sacuudiga Oo 100 Milyan Oo Dollar Ku Maalgeliyay isbaheysi Faransiisku Dhisay iyo Al Qaacidda Oo Si Adag Uga Hor tagtay.

    Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ku dhawaaqay isbaheysi cusub oo ka dhan ah jamaacaadka jihaadiga ah ee ka dagaallama galbeedka iyo waqooyiga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ku dhawaaqay isbaheysi cusub oo ka dhan ah jamaacaadka jihaadiga ah ee ka dagaallama galbeedka iyo waqooyiga qaaradda Afrika.

Isbaheysiga oo ay ku mideysanyihiin 5 dowladood oo dowladda Faransiiska horay ugumeysatay dhanka cirka waxaa ka taageeraya dowladaha reergalbeedka balse ciidamada lugta waxaa keenaya dowladaha Qandaraaska qaatay.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska ayaa howlgalkan ugu magac daray "BARKHANE” wuxuuna beegsan doonaan waxa ay reergalbeedku ugu yeeraan Argagaxisada oo loola jeedo muslimiinta.

Dowladaha isbaheysigan ku bahoobay waxaa kamid ah Niger,Jaad,Maali Burkina Faaso iyo Muritaaniya waana shan kamid ah dowladaha loo yaqaan saaxilka waxaana isbaheysiga dibad joog ka ah dowladda Aljazaa’ir.


Dowladaha Reer galbeedka oo Jeebabkooda marteen ayaa gacanta ka taagan maalgelinta Ururkan cusub ee Ashahaadda ladirirka ah waxayna ugacan haantiyeen dowladaha Khaliijka carabta ee caanka ku ah maalgelinta dullaanada ka dhanka ah Muslimiinta.

Dowladda Sacuudiga ayaa lacag dhan 100 Milyan oo dollar ugu deeqday isbaheysiga G5 halka dowladda Imaaraatka ay Miiska saartay 30 Milyan oo dollar, dowladda Mareykanka iyana waxay ballan qaaday lacag dhan 60 Milyan oo dollar.

Caadil Aljubeyr oo ah wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga oo khudbad ka jeediyay magaalada Paris ayaa sheegay in dalkiisu barbar taaganyahay baabi’inta jamaacaadka jihaadiga ah.

R/wasaaraha Faransiiska ayaa dowladda Sacuudiga ku tilmaamay Mid sakhay ah marka loo eego sida ay ugu heellantahay la dagaalanka Jamaacaadka Jihaadiga ah.

Dhinaca kale Ururka Alqaacidda ayaa qaaday weeraro uu uga hortagayo isbaheysiga cusub ee Mareykanka iyo Faransiiska.

Weeraro isdaba joog ah oo ay qaadeen xoogaga jamaacada Ugargaaridda islaamka iyo Muslimiinta ayay ku beegsatay ciidamo katirsan isbahaysiga saaxilka G5.

Weerarada oo ka dhacay wadamada Burkina Faso iyo Maali ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah, sawirro ay Al qaacidda ku faafisay baraha internetka ayaa muujinayay gaadiid gaashaaman oo ciidamada isbaheysiga looga gubey weeraro dhabagal ah.

Alqaacidda ayaa mideysay kooxihii islaamiga ee Saxaraha qaaradda Afrika waxayna noqdeen hal koox oo awood badan taas oo baqdin ku beertay gumeystaha faransiiska iyo xulufadiisa.

Halkan ka degso ama Hoos Ka Daawo




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items