Daaw Video: Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Oo Muslimiinta Uga Digay Ka Qeyb galka Dabaal degyada Ciidaha Gaalada Sida Sanadka Miilaadiga.

Wednesday December 27, 2017 - 20:21:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daaw Video: Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Oo Muslimiinta Uga Digay Ka Qeyb galka Dabaal degyada Ciidaha Gaalada Sida Sanadka Miilaadiga.

    Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa Jeediyay Muxaadaro qiima badan oo uu uga hadlayo khatarta ay leedahay ka qeyb galka ciidaha Gaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa Jeediyay Muxaadaro qiima badan oo uu uga hadlayo khatarta ay leedahay ka qeyb galka ciidaha Gaalada.

Sheekha ayaa si sharci ah uga hadlay halista iyo caqiida xumada arrintaas ka dhalan karta wuxuu muslimiinta gaar ahaan soomaalida uga digay in ay tagaan goobaha gaaladu ugu dabaal degayso ciidooda, sheekh Mustafa wuxuu daaha ka feyday beenta Nasaarada oo sheegay in 25 December uu dhashay Nabi Ciise taasi oo ah been abuur.

Madaahibta kala duwan ee Nasaarada ama Masiixiyiinta ayaa si aad ah isugu khilaafsan arrinta Kirimiska kuwa badan ayaa qaba in ay tahay been oo aan laheyn wax sugaya sheegashadaas.


Marka lagaaro sanadka cusub ee gaalada waxaad arkeysaa dad muslimiin sheeganaya oo oranaya "Happy New Year" oo macnaheedu yahay sanad wanaagsan arrintaas waa baadil, allaah wuxuu muslimiinta siiyay laba ciidood oo kala ah carrafo iyo Ciiddul Fitri iyo sidoo kale maalmaha ciidda.

Halkan ka degso Muxaadarada ama Toos uga daawo Youtube.


Related Items