Sedax Askari Jabuutiyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Buula Burde.

Thursday December 28, 2017 - 23:25:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Askari Jabuutiyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Buula Burde.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan Sedax Askari oo katirsan ciidamada Jabuuti ay dhinteen tiro kalane dhaawacmeen kadib markii qarax lagula eegtay garoonka diyaaradaha Macmalka degmada Buula Burde.

War kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay ciidamada Jabuuti "Miujaahidiinta ayaa qarax Miino ku dilay Sedax askari oo katirsan Murtadiinta Jabuuti xilli ay ku sugnaayeen garoobka diyaaradaha degmada Buula Burde” ayaa lagu yiri warka Alshabaab kasoo baxay.


Goob Joogayaal ayaa sheegay in xilligii uu qaraxu ka dhacay ay ciidamada Jabuuti ku mashquulsanaayeen raashin ay kala degayeen diyaarad xamuul ah oo xilligaas garoonka soo caga dhigatay.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah duullaanka ay dowladaha shisheeye kusoo qaadeen Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items