Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Xudur.

Friday December 29, 2017 - 11:07:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Xudur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in mid kamida saldhigyada ciidanka Itoobiya uu la kulmay weerar xooggan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in mid kamida saldhigyada ciidanka Itoobiya uu la kulmay weerar xooggan.


Guutada madaafiicda Xarakada Al Shabaab ayaa xalay duqeyn xooggan ku qaadday saldhigga ugu weyn ee ciidanka Itoobiya kaga suganyihiin gobolka Bakool sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee afka xarakada ku hadasha.

Duqeynta oo dhacday Xalay ayaa beegsatay halka loo yaqaan (Buraalayaasha) magaalada Xudur oo shan sanadood ka hor ay saldhig ka dhigteen ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Wariye ku sugan gobolka Bakool ayaa soo sheegay in illaa iyo 10 madfac lala helay saldhigga ciidanka Itoobiya inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta.


Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee xoogga ku jooga degmooyin katirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa xaalad adag wajahaya kadib markii Xarakada Al Shabaab ay go'doomin kusoo rogtay dhammaan magaalooyinka gacanta cadawga galay taas oo hoos u dhigtay ahdaaftii cadawgu kalahaa duullaankiisa soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalime[email protected]

Related Items