Xasan Fiyooke "Dal Dhulkiisi Gumeysi Kujiro lama Dhihi Karo Hawadiisa Ayaa la xureeyay" Dhageyso.

Friday December 29, 2017 - 11:29:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Fiyooke "Dal Dhulkiisi Gumeysi Kujiro lama Dhihi Karo Hawadiisa Ayaa la xureeyay" Dhageyso.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulidda hawada dalka oo 27 sanadood ay gacanta ku heysay Q.Midoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulidda hawada dalka oo 27 sanadood ay gacanta ku heysay Q.Midoobe.

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ka qeyb galay Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirro katirsan DF-ka.

Farmaajo iyo madaxdii kale ee munaasabadda ka hadlay waxay sheegeen in ay guul tahay lawareegidda maamulidda hawada, wasiirro hadlayay ayaa ku haqaaqay in dowladda Federaalka ay xureysay hawada Soomaaliya!.

Aqoonyahanada ayaa isweydiiyay waxa ay soo kordhin karto lawareegista maamulka Hawada xilli dhulka Soomaaliya uu kujiro gumeysi daran oo uga imaanaya ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Kenya.


Dowladda Federaalka ee faanaysa in ay hanatay maamulidda Hawada waa midda kumanaan askari ajaanib ah dalka soo gelisay, Aqoonyahan Xasan Fiyooke Cali oo kamid ah indheer garadka Soomaaliyeed ayaa idaacadda Alfurqaan u sheegay in dhulka Soomaaliya gumeysi kujiro islamarkaana uu xureyn ubaahanyahay balse Hawo laxureeyo aysan meesha oollin.

Halkan ka degso Wareysiga Xasan Fiyooke ama Hoos ka dhageyso


Related Items