Dibad Baxyo Rabshada Wata Oo Ka Socda Magaalooyinka Waaweyn ee Wadanka Iiraan.

Saturday December 30, 2017 - 10:32:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad Baxyo Rabshada Wata Oo Ka Socda Magaalooyinka Waaweyn ee Wadanka Iiraan.

    Wararka ka imaanaya Iiraan ayaa sheegaya in maalintii sedaxaad ay socdaan kacdoonno ay dhigayaan malaayiin qof oo kamid ah dadka fuqarada ee kunool wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Iiraan ayaa sheegaya in maalintii sedaxaad ay socdaan kacdoonno ay dhigayaan malaayiin qof oo kamid ah dadka fuqarada ee kunool wadankaasi.

Wariyaal mucaaradsan Nidaamka shiiciga Iiraan ayaa baraha internetka ku faafiyay malaayiin qof oo isugusoo baxay magaalooyin ay kamid yihiin Qum, Isfahaan, Mash-had iyo xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Tahran.

Dadka dibad baxyada dhigaya waxay ka cabanayaan ascaarta cuntada oo dowladdu sare uqaadday iyo shaqa la’aanta oo gaartay heerkii ugu sarraysay 75%.

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda iiraan ayaa beenisay in kacdoonno waaweyn ay wadanka kajiraan iyadoo dowlado cadaw ay ku tilmaamtay ku eedeysay in ay buun buuninayaan waxa ka socda gudaha wadankaasi.


Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay xarigga lagula kacay kumanaan qof oo ku mudahaaraadayay magaalada caasimadda ah ee Tahran Mareykanka ayaa ugu baaqay nidaamka iiraan in uu wax ka bedelo habka maamul ee dhaqaalaha wadankaasi ku saleysanyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items