Al Shabaab Oo Lacago Zaka Ah Boqolaal Qoys Ugu Qeybisay Duleedka Muqdisho [Dhageyso].

Saturday December 30, 2017 - 10:52:11 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Lacago Zaka Ah Boqolaal Qoys Ugu Qeybisay Duleedka Muqdisho [Dhageyso].

    Maktabka diiwaanka Zakawaatka Wilaayada Banaadir ayaa duleedka magaalada Muqdisho ka qeybiyay Zakada Xoolaha nool balse lalacageeyay taasi oo ay ka faa'ideysteen Boqolaal ruux oo isugu jirta Fuqaro iyo Masaakiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir Tusaale ah
Maktabka diiwaanka Zakawaatka Wilaayada Banaadir ayaa duleedka magaalada Muqdisho ka qeybiyay Zakada Xoolaha nool balse lalacageeyay taasi oo ay ka faa'ideysteen Boqolaal ruux oo isugu jirta Fuqaro iyo Masaakiin.


Xarakada Al Shabaab ayaa Labo Boqol oo Qoys Masaakiin iyo Fuqaro isugu jirta oo laga kala keenay degmooyinka Gobalka Banaadir u qeybiyay Zakada oo lacag ah qoys walbana wuxuu helay lacag gaaraysa 800 oo shilinka soomaaliga ah

Maktabka Zakada ayaa dadkaasi u lacageeyay Xoolahii loo qeybinayay maadaama dadka ay ka kala yimaadeen xaafadaha Muqdisho suura galna ay tahay hadii lagu arko xoola nool iyagoo wata iney ka dhacaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee maamula degmooyinka gobolka Banaadir ama ay xiraan shacabka fuqarada ah.



Qaar kamid ah dadka zakada loo qeybiyay oo lahadlay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa  sheegay in ay ubaahnaayeen zaka loo qeybiyay iyagoo hoggaanka Shabaabul Mujaahidiin  uga mahad celiyay lacagaha sadaqada ah ee ay soo gaarsiiyeen xilli duruufo adag oo dhanka Nolosha ah wajahayeen.

Dhammaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday howllaha Zaka qeybinta iyadoo kumanaan kun oo shacab ah lasiiyay xoolo isugu jiray Ari, Geel iyo Lo'.

Halkan ka degso warbixin ku saabsan zaka qeybinta Muqdisho

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items