Tarsan Oo Banaanka Soo Dhigay Tabar Darrida Maamulka Farmaajo "Dowladdu Malahan Maxkamado lagu Kalsoonyahay Musuq Maasuq ayayna la dhutinaysaa" Daawo.

Saturday December 30, 2017 - 13:21:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tarsan Oo Banaanka Soo Dhigay Tabar Darrida Maamulka Farmaajo "Dowladdu Malahan Maxkamado lagu Kalsoonyahay Musuq Maasuq ayayna la dhutinaysaa" Daawo.

    Maxamuud Nuur Tarsan oo ah lataliyaha dhanka siyaasadda ee Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa banaanka soo dhigay ceebaha ay leeyihiin madaxda Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamuud Nuur Tarsan oo ah lataliyaha dhanka siyaasadda ee Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa banaanka soo dhigay ceebaha ay leeyihiin madaxda Villa Somalia.



Tarsan ayaa Kalimad uu ka jeediyay Munaasabad lagu qabtay Hoteelka Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho wuxuu si qota dheer uga hadlay caqabadaha ku hor gudban Dowladda Federaalka iyo waxa ay Soomaaliya ka noqon la'dahay dowlad buuxda isagoo ka shanqariyay arrimo dhowr ah.

Wuxuu sheegay in Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo ay ka dhaqaaqi la'yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu ku sheegay kuwa qabyaalado iyo dana gaar ah dilootay "Madaxweynaha iyo R/wasaaraha 90% waxay shaqadoodu noqotay in ay iska ilaaliyaan baarlamaanka oo marwalba wada mooshinno lagu ridayo" ayuu yiri Tarsan.



Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin wasaarado,maxkamado iyo madax  hufan wuxuuna sheegay in musuq maasuq iyo qabyaaladeysi uu la degay Hoggaanka dowladda Federaalka  "Qabyaaladda ayaa halkaan nadhigtay, dowladdu malahan Garsoor iyo maxkamado lagu kalsoonyahay iyo xeer ilaalin wanaagsan, waxaad arkeysaa taliye ciidan oo ladoonayo in uu hoggaamiyo 20,000 oo askari oo qaab qabiil lagu raadinayo, musuq maasuq ayaa dhulka nadhigay, runta haddaan ka hadalno sidaas qaranimo laguma gaarayo" ayuu yiri Tarsan.

lataliyaha dhanka siyaasadda ee farmaajo ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda hadda jirta aysan waxba ka duweyn dowladihii hore oo ay ku dhaqmeyso nidaamka 4.5 oo uu sheegay in cadawga soomaalida soo allifay wuxuuna aad uga deyriyay musuqa iyo wax isdaba marinta hareeyay jiritaanka dowladda Federaalka.

"Marka waxaa la keenay 4.5, cadaw ayaa loo bixiyay, 4.5 wadaniyadda ayey ka soo horjeeddaa, kartida ayey ka soo horjeedaa, aqoonta ayey ka soo horjeedaa, waxtarka ayey ka soo horjeedaa, ammaanada ayey ka soo horjeedaa, ma dhaafsaneen in qabaa’ilka Soomaalidu matalaad ku yeeshaan baarlamaanka, waa inta loogu talo-galay, dastuurkeenna kuma qorna, meel ay sharciga uga qoran tahay ma jirto 4.5, ma aheen in hoos loo dajiyo oo wasiirrada, agaasimayaasha, dhakhaatiirka iyo janannada laga dhigo, maanta janan la rabo in ciidan 20 kun, 30 kun dagaal geliyo ayaa sifada lagu keenayo ay tahay qabiilka uu ka dhashay, nabad sugidda ayaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, booliiskiibaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, ilaahbaan idiinku dhaariyee Institutionskaas ma dhisnaan karaa mise ma dhisnaan karo” ayuu yiri Tarsan.

Halkan ka degso Video-ga ama hoos ka daawo


Related Items