Qarax Askar looga Dilay AMISOM Gaarina lagu Gubay oo Ka Dhacay agagaarka Wasaaradda G/dhigga.

Sunday December 31, 2017 - 09:28:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Askar looga Dilay AMISOM Gaarina lagu Gubay oo Ka Dhacay agagaarka Wasaaradda G/dhigga.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay kolonyo gaadiid gaashaaman ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa wasaaradda G/dhigga  iyo isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 Askari oo katirsan ciidamada AMISOM ay ku dhinteen qaraxa waxaana burburay gaari Taaw ah oo ay ciidamadu wateen sida ay xaqiijiyeen dadka deeganka.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegayn in qaraxu uu ka dhacay halka uu yaal burburka gaarigii Jeneraal Goobaale oo lagu dilay weerar Naf-hurnimo sanaddii lasoo dhaafay.


Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada AMISOM ay muddo saacada ah ku sugnaayeen goobta qaraxu ka dhacay iyagoo markii dambe jiitay gaariga burburay, maleeshiyaad katirsan DF-ka oo kasoo baxay wasaaradda G/dhigga ayaa markii qaraxu dhacay kadib xanibaad kusoo rogay gaadiidka dadweynaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items