Al Shabaab Oo Sheegtay in 5 Askari AMISOM Ah Ay Ku Dishay Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

Sunday December 31, 2017 - 10:32:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegtay in 5 Askari AMISOM Ah Ay Ku Dishay Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo saaka aroortii ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM lagula eegtay gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Gaari AMISOM laga gubay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo saaka aroortii ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM lagula eegtay gudaha magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka, Al Shabaab waxay sheegtay in 5 askari ay ku dhinteen gaariga oo gabi ahaantiisba uu burburiyay qarax aad u xooggan oo lagula eegtay meel ku dhow wasaaradda G/dhigga.

"Gaari nuuca gaashaaman ah ayay mujaahidiintu ku burburiyeen qarax ka dhacay degmada Hodon, dhammaan wixii gaariga la socdayna goobta ayay ku bakhtiyeen, inta mujaahidiintu arkeen waa 5 Askari oo dhimatay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxu uu beegsaday kolonyo ciidamo ah oo katirsan AMISOM kuwaas oo gelbinayay saraakiil caddaan ah, dad tagay goobta qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen burbur xooggan oo gaari gaashaaman gaaray iyo olyo lagu shubay wadada laamiga ah arrintaas oo ah xeelad ay ciidamada shisheeye ku daboolayaan khasaaraha kasoo gaaray qaraxii maanta.

Horraantii bishan ayay aheyd markii qarax gaari looga gubay ciidamada AMISOM uu ka dhacay wadada Jeneraal Daa'uud ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, Al Shabaab ayaa gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya kula dagaallamaysa kumanaan askari oo katirsan ciidamada shisheeye kuwaas oo ka socda illaa iyo 5 dowladood oo ay kamid yihiin Itoobiya iyo Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items