Melleteriga Iiraan Oo Ku Hanjabay in ay Xasuuqayaan Shacabka Kacdoonka dhigaya.

Sunday December 31, 2017 - 20:18:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Iiraan Oo Ku Hanjabay in ay Xasuuqayaan Shacabka Kacdoonka dhigaya.

    Wadanka Iiraan Maalintii 3-aad waxaa kasii socda kacdoonka shacbiga ah oo ay dhigayaan shacabka wadankaasi iyadoona ciidamada dowladda ay laayeen dad iskusoo baxyo dhigayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Iiraan Maalintii 3-aad waxaa kasii socda kacdoonka shacbiga ah oo ay dhigayaan shacabka wadankaasi iyadoona ciidamada dowladda ay laayeen dad iskusoo baxyo dhigayay.

Wararka ka imaanaya Iiraan ayaa sheegaya iiraan ayaa sheegaya in malaayiin qof ay iskusoo baxyo ka dhigayaan magaalooyin dhaca bartamaha bariga, galbeed iyo Koonfurta.

dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa codsanaya in dowladdu ka laabato qorshaha ay ku qaalli gareysay cuntada iyo daawada.

Faqri iyo shaqa la’aan baahsan ayaa saameysay nolosha shacabka Iiraan, siyaasiyiinta mucaaradka waxay sheegayaan in musuq maasuq iyo wax isdaba marin uu kajiro gudaha magaalada Tahran.


Dhinaca kale Taliyaha ugu sarreeya ciidanka Kacaanka Iiraan ayaa ku hajabay in gacan adag loo adeegsan doono dadka wada kacdoonka oo uu ku tilmaamay cadaw doonaya in ay ridaan wax uu ugu yeeray Jamhuuriyadda islaamiga Iiraan.

Ciidanka Kacaanka iiraan oo lagu qiyaaso 120,000 oo askari ayaa hoos taga wadaadka shiiciga Aayatullaah Cali khumeyni, lama oga in hanjabaaddan kasoo yeertay ciidanka ay saameyn ku yeelan doonto shacabka kacdoonka wada

Related Items