Al Shabaab Oo Weerar Askar Lagu Dilay Ka Fulisay Duleedka Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

Monday January 01, 2018 - 09:52:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Askar Lagu Dilay Ka Fulisay Duleedka Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay bar koontarool oo kutaal duleedka degmada Balcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay bar koontarool oo kutaal duleedka degmada Balcad.
Xalay saqdii dhexe ayay ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar ku qaadeen deegaanka Ceelka Geela halkaas oo bar koontarool ay ku lahaayeen ciidamada maamulka ‘HirShabelle’ isku magacaabay.

Weerarka oo aad u xooganaa ayaa sababay dhimashada Hal askari iyo in ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka lagu dagaallamay.

War lagasii daayay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa lagu sheegay in ‘Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen saanado hub ah”.


Warar madax banaan waxay xaqiijinayaan in xoogaga Al Shabaab ay qabsadeen la qori AK47 ah, baasuukayaal iyo rasaas farabadan oo ay lahaayeen ciidamada HirShabelle.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyaan Soomaaliya sanaddan cusub ee 2018.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items