10 Qof Dalxiisayaal Mareykan ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Wadanka Costa Rica .

Monday January 01, 2018 - 10:56:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Qof Dalxiisayaal Mareykan ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Wadanka Costa Rica .

    Tobaneeyo qof oo ubadan Mareykan ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Costa Rica oo dhaca qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof oo ubadan Mareykan ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Costa Rica oo dhaca qaaradda America.

 


Madaxweynaha Costa Rica ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay in diyaarad ay la socdeen 12 qof oo 10 kamid ah ay ahaayeen American ay ku dhacday deegaan loo dalxiis taga oo dhaca waqooyi galbeed ee wadankaas.

Wakalaadda wararka ufaafisa Costa Rica ayaa sheegtay in meydadka 12 qof oo ubadan American lagasoo helay iyagoo dul sabeynaya biyaha badda Pacific-ga.

"Xukuumadeydu aad bay uga xuntahay dhimashada 10 qof Mareykan ah iyo laba duuliya oo Costa Rician ah xilli ay dul haadeysay badda Pacific-ga” sidaas waxaa yiri Guillermo Solis oo ah madaxweynaha Costa Rica.



Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa xaqiijisay dhimashada tobanka qof ee American-ka ah waxayna sheegtay in ay wafdi baaritaan sameeya u dirayso wadanka Costa Rica.

Sanad walba Boqolaal qof American ah ayaa ku dhinta shilal diyaaradeed oo ka dhaca caalamka xilli ay ku guda jireen dalxiis iyo tamashleyn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items