Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Waajid.

Monday January 01, 2018 - 13:34:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Waajid.

    Weerar xooggan ayaa lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ay uga suganyihiin gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar xooggan ayaa lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ay uga suganyihiin gobolka Bakool.

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe weerar xooggan lagu qaaday saldhig ay ku suganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Weerarka oo loo adeegsaday madaafiicda hoobiyaha ayaa saameeyay xaafado katirsan degmada Waajid, sida uu soo sheegay wariye ku sugan gobollada Bay iyo Bakool  xoogagga Al Shabaab ayaa dhowr iyo toban madfac lahelay saldhigga.

Goob Joogayaal ku sugan magaalada Waajid ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiicda ku hoobatay saldhigga ciidanka Itoobiya.


Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday ciidamada Itoobiya, Bishii  lasoo dhaafay ayay Mujaahidiintu sidaan oo kale weerar madaafiic ah ugu qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Xudur.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items