Isbaheysiga Carabta Oo Xasuuq Hor leh Ka Geystay Galbeedka Wadanka Yemen.

Monday January 01, 2018 - 20:10:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbaheysiga Carabta Oo Xasuuq Hor leh Ka Geystay Galbeedka Wadanka Yemen.

    Isbaheysiga dowladaha Carabta ayaa wali sii wado xasuuqa daran ee uu ku hayo shacabka Rayidka ah ee wadanka Yemen waxaana lasoo calaamadeeyay gummaad hor leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbaheysiga dowladaha Carabta ayaa wali sii wado xasuuqa daran ee uu ku hayo shacabka Rayidka ah ee wadanka Yemen waxaana lasoo calaamadeeyay gummaad hor leh.

Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in ugu yaran 23 qof shacab ah ay ku dhinteen duqemo bahalnimo oo diyaaradaha isbaheysiga carabta ay ka geysteen magaalo dhacda Koonfurta wadankaasi.

Duqeymaha oo is xigxigay ayaa beegsaday suuq shacabku ku badanyihiin oo kuyaal bartamaha magaalada Alxudeyda ee galbeedka Yemen dhacda iyo beer khudaarta lagu beero gudaha magaalada Aljaraaxi.

Meydadka iyo dhaawacyada ayaa laga aruuriyay goobaha labeegsaday sida uu warbaahinta u sheegay Waliid Alcammaad oo ah madaxa guddiga caafimaadka gobolka Alxudeyda.


Waa xasuuqii ugu horreeyay ee ka dhaca Yemen sanaddan cusub ee 2018, hay’adaha sheegta in ay udoodan xuquuqul insaanka ayaa sheegay in tobanaan kun ay ku dhinteen dagaalka Yemen ka socda oo ay hoggaaminayaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items