Sarkaal Katirsan Ciidanka Melleteriga DF-ka Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Tuesday January 02, 2018 - 08:27:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan Ciidanka Melleteriga DF-ka Oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Xoogag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in xoogag hubeysan ay degmada Waaberi ku duleen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Col.Max'med Xasan oo katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Wararka laga helayo xaafadda Black Sea ee degmada Hodon ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan 'Nabad sugidda' rasaas lays dhaafsanayay ayaa xalay fiidkii laga maqlay isgoyska balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.


Dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha ciidanka DF-ka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho sanaddii lasoo dhaafay ayaa magaalada caasimadda ah lagu dilay tobaneeyo askar iyo saraakiil ah waxaana weeraradaas mas’uuliyadooda sheegatay xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items