Saldhigga AMISOM Ee Degmada Qoryooley Oo Weerar Kala Kulmay Al Shabaab.

Tuesday January 02, 2018 - 08:32:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga AMISOM Ee Degmada Qoryooley Oo Weerar Kala Kulmay Al Shabaab.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay dib uga qarxeen mid kamida saldhigyada ciidamada AMISOM uga suganyihiin gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay dib uga qarxeen mid kamida saldhigyada ciidamada AMISOM uga suganyihiin gobolkaasi.

Ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kula jarmaaday saldhigga ciidamada Uganda ee degmada Qoryooley.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen dagaalyanno katirsan Al Shabaab oo gudaha usoo galaymagaalada, daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay deegaanno ka baxsan Qoryooley.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay qabsadeen inta badan xaafadaha degmada Qoryooley balse markii dambe ayay dib uga gurteen.


Kumanaan katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM ayaa weeraro joogta noqday kala kulmaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin oo 70% gacanta ku haya dhulka gobolka Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items