Siyaasi Cabdi Barre "Xalane Waxaa Ka Furan Xafiisyo Qabaa'illada Lagu Kala Shiriyo" Dhageyso.

Tuesday January 02, 2018 - 11:24:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdi Barre "Xalane Waxaa Ka Furan Xafiisyo Qabaa'illada Lagu Kala Shiriyo" Dhageyso.

    Siyaasiga Cabdi Barre oo kamid ah xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu gumeysi ku jiro una baahan yahay in la badbaadiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdi Barre oo kamid ah xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu gumeysi ku jiro una baahan yahay in la badbaadiyo.


Isagoo hadal ka jeedinayay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in maamul goboleedyadu qeyb weyn ka yihiin kala qoqobnaanta iyo dhibka uu gumeystuhu ku hayo wadanka.

Wuxuu ka dhawaajiyay in xaaladdu mareyso meel halis ah isagoo tusaale usoo qaatay waxa ka socda xerada Xalane oo fariisin u ah shisheeyaha kusoo duulay wadanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in Xalane ay subax walbaahi tagaan odayaal beeleedyo kuwaasoo shisheeyaha ka dalbanaya iney xilal u magacaabaan amaba uga dacwoonaya dowladda.



Isku soo wada duuboo waxaa maanta la yaab leh in dadkii shisheeyaha kusoo hor kacay wadanka ay sheegaan in dalku gumeysi ku jiro kadib markii xilalkii ay hayeen laga qaaday, waayo haddii ay ka dhab tahay markii horaba kama mid noqdeen.

Halkan ka degso ama Hoos Ka Daawo


Related Items