Qarax AMISOM Gaari looga Gubay Oo Markale Ka Dhacay Deegaanka Danoow.

Tuesday January 02, 2018 - 19:55:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax AMISOM Gaari looga Gubay Oo Markale Ka Dhacay Deegaanka Danoow.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ciidamada AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ciidamada AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

 


Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmada Buula Mareer iyo deegaanka Danoow ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah loo dhigay kolonyo ciidamo AMISOM katirsan oo xilligaas wadada laamiga ah ku socdaalayay.

Weerarka tooska ah waxaa barbar socday qaraxyo lala helay mid kamida ciidamada shisheeyaha AMISOM, ilo wareedyo ayaa sheegaya in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM uu ku gubtay qaraxa ka dhacay deeganka Danoow.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in gaari gaashaaman lagu gubay weerarka, ciidamada Uganda ee ku sugan deegaanno katirsan Sh/Hoose ayaa wajahaya weeraro dhiigbax joogta ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items