Dowladda Federaalka Oo Soo Saartay Amar Ah in Ay isdiiwaan geliyaan Masaajidda iyo Madaarista Diinta Lagu Barto!.

Tuesday January 02, 2018 - 20:05:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Soo Saartay Amar Ah in Ay isdiiwaan geliyaan Masaajidda iyo Madaarista Diinta Lagu Barto!.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray dhammaan masaajidda iyo madaarista diinta lagu barto in si dhaqsi ah ay iskusoo diiwaan geliyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray dhammaan masaajidda iyo madaarista diinta lagu barto in si dhaqsi ah ay iskusoo diiwaan geliyaan.



Wasaaradda waxa loogu yeero Awqaafta Dowladda Federaalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ugu baaqday Masaajidda magaalada Muqdisho iyo gaabaha waxbarashada diiniga ah in ay iska diiwaan geliyaan xarumaha wasaaradda.

Sidoo kale amarka ayaa saameynaya masaajidda iyo dugsiyada qur’aanka Kariimka lagu barto ee kuyaal gobollada dalka ee ay kajiraan maamul goboleedyada Itoobiya iyo Kenya la shaqeeya.


Qorshahan ayaa qeyb ka ah ololaha ashahaadda ladirirnimo ee dowladda Federaalka ay u xilsaaratay dowladda Mareykanka kaasi oo ah ka hortagga waxa loogu yeero Xagjirnimada.

Shir Bishii May 2017 ay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ay ku yeesheen Trump iyo Hoggaamiyaasha dabadhilifyada Carabta uuna ka qeyb galay Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa farayay dhammaan dowladaha caalamka islaamka in ay koontaroolaan goobaha diinta lagu barto sida Masaajidda iyo Madaarista islaamiga ah.

Lama oga sida maamullada Masaajidda iyo Madaarista diiniga ah ugu hoggaansami karaan amarkan kasoo baxay Dowladda Federaalka ee ujeedkiisu yahay in la cuuryaabiyo barashada diinta islaamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items