Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa fiidkii galbeedka magaalada Muqdisho ku dilay mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir uqaabilsan dowladda Federaalka.
Cali Nuur Shuute oo katirsanaa Waaxda dhulbixinta islamarkaana ahaa Aabaha
dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada ayaa la xaqiijiyay in toogasho lagu
dilay.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda
weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus.
Xasan Cali Nur Shuubte ayaa dhowr mar warbaahinta kasoo muuqday isagoo xukunno
dil ah ku ridaya dhalinyaro ku eedeysan in ay katirsanyihiin Xarakada Shabaabul
Mujaahidiin.
Dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha DF-ka ayaa kusii badanaya Muqdisho
xalay ayay aheyd markii Col. Max’med Xasan oo katirsanaa ciidanka Melleteriga
lagu dilay degmada Waaberi.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Cali Nuur Shuute Oo Aabe U Ahaa Taliyaha Maxkamadda Ciidanka Dowladda Oo Muqdisho Lagu Dilay.
Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa fiidkii galbeedka magaalada Muqdisho ku dilay mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir uqaabilsan dowladda Federaalka.