Al Shabaab Oo Weerar 6 Askari Lagu Dilay Ka Fulisay Gudaha Kenya.

Tuesday January 02, 2018 - 21:55:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar 6 Askari Lagu Dilay Ka Fulisay Gudaha Kenya.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar cusub oo ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar cusub oo ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha Kenya.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay oo ay ka fuliyeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin lagu dilay askar iyo saraakiil, weerarka oo isugu jiray mid lagu qaaday saldhig ciidan iyo mid loo dhigay ciidamo socdaalayay ayaa dhaliyay dhimashada 6 sarkaal.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan ‘Mujaahidiinta’ ayaa maanta gelinkii dambe weerar ku qaaday saldhigga Booliska ee deegaanka Kutulo oo hoos yimaad degmada Mandheera.


War kasoo baxay Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 6 askari oo uu kamid yahay Taliyihii ciidamada Booliska deegaanka, Afar askari oo kamid ah ciidamada ladilay waxay ku dhinteen saldhigga Booliska ee la weeraray halka laba askari lagu dilay weerar dhabagal ah oo qabsaday ciidamo kasoo gurmaday Ceelwaaq.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gaari nuuca dagaal ah uu ku gubanayay maanta gelinkii dambe  wadada xiriirisa Ceelwaaq iyo Kutulo, gaariga gubtay ayay Mujaahidiintu laheleen qoriga Baasuukaha loo yaqaan  waxaana la socday ciidamada GSU-da  kuwaas oo gurmad ahaan ugasoo baxay Ceelwaaq.

Waa weerarkii 2-aad oo Booliska Kenya uu lakulmo isbuucan gudihiisa, maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamada Al Shabaab ay dagaal ku qabsadeen deegaanka Ijaara halkaas oo lagu dilay 4 sarkaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items