Qaraxyo Lagu Dilay Askar iyo Saraakiil Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso.

Wednesday January 03, 2018 - 14:50:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Lagu Dilay Askar iyo Saraakiil Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara dhaliyay lagu weeraray ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland ' ee kajira gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara dhaliyay lagu weeraray ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland ' ee kajira gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.


illaa iyo laba qarax ayaa la sheegay in lala helay ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Galgala, qaraxa koowaad ayaa lala helay gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada Daraawiishta.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba gaariga xamuulka ah uu burburay waxaana ku dhintay darawalkii kaxaynayay, sidoo kale qarax ayaa daqiiqado kadib lala helay sarkaal sare oo katirsanaa qeybta Miina Baarista maamulka 'Puntland'.


War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in sarkaalka dhintay ay Miino ku qaraxyday xilli uu isku dayayay in uu kala furfuro, warar madax banaan ayaa sheegaya in sarkaalka ladilay oo kamid ahaa khubarada walxaha qarxa uqaabilsan maamulka Cabdi Wali Gaas.

Waa Weerarkii ugu horreeyay oo sanadkan billaawga ah ay Al Shabaab ku qaaddo ciidamada maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland kaasi oo wada shaqeyn laleh dowladda Itoobiya iyo sirdoonnada caalamiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items