Laba Duuliye Russian Ah Oo Ku Dhintay Diyaarad Kusoo Dhacday Bartamaha Suuriya.

Wednesday January 03, 2018 - 15:11:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Duuliye Russian Ah Oo Ku Dhintay Diyaarad Kusoo Dhacday Bartamaha Suuriya.

    Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa sheegtay in mid kamida diyaaradaheeda ka howlgala wadanka Suuriya ay cillad Farsamo aawgeed usoo dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa sheegtay in mid kamida diyaaradaheeda ka howlgala wadanka Suuriya ay cillad Farsamo aawgeed usoo dhacday.

Wararka ka imaanaya gobolka Xammaah ee bartamaha Suuriya ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay kusoo dhacday diyaarad nuuca dagaalka ah waxaana shilkaas ku dhintay laba duuliye.

Diyaaradda ayaa ku dul dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan xoogaga Mucaaradka ah, wasaaradda Difaaca Ruushka waxay xaqiijisay dhimashada labadii duuliye ee diyaaradda la socday balse waxay beenisay in diyaaradda dhulka laga toogtay.

Goobta diyaaraddu ku dhacday meel aan ka fogeyn waxaa ka socda dagaallo culus oo u dhaxeeya Nidaamka Bishaar Al-asad iyo xoogaga mucaaradka ah.


Diyaaraddan kusoo dhacay Suuriya ayaa imaanaysa maalmo kadib markii madaxweynaha Ruushka uu amar ku bixiyay in ladhiso tirada ciidamada ka joogo jiidda dagaalka Suuriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items