Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Oo xayiraad Dhanka Socdaalka Ah kusoo Rogtay Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur.

Wednesday January 03, 2018 - 15:22:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Oo xayiraad Dhanka Socdaalka Ah kusoo Rogtay Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur.

    Khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradsan ayaa markale sii laba kacleeyay kadib markii lacago laaluush ah loo adeegsaday garsoorayaasha maxkamadda gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradsan ayaa markale sii laba kacleeyay kadib markii lacago laaluush ah loo adeegsaday garsoorayaasha maxkamadda gobolka Banaadir.

Go’aan kasoo baxay maxkamadda Racfaan gobolka Banaadir oo garsoorayaasheeda ay si toos ah ugu xiranyihiin Villa Somalia ayaa lagu sheegay in xayiraad lagusoo rogay siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Maxkamadda ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadday go’aan horay usoo baxay oo dambi ku waayay C/Raxmaan Cabdi Sharkuur, sidoo kale maxkamadda ayaa soo saartay waaral dhigaya in saraakiisha ammaanka ay ka hor istaagaan in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho.


Siyaasiyiinta Mucaaradsan Farmaajo iyo Kheyre ayaa sheegaya in lacago laaluush ah loo adeegsaday wax ay ugu yeereen Hay'adaha Garsoorka.

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Farmaajo iyo Kheyre ayaan isna maanta xaadirin fadhigii maxkamadda isagoo sharci darro ku tilmaamay eedaymaha isaga ka dhanka ah.

Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka ayaa awood usiinaya Xeer ilaaliyaha DF-ka in uu sii wadi karo baaritaannada lagu hayo eedeymaha ka dhanka ah C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo laba xildhibaan oo ku eedeysan ‘Qaran Dumis’.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items