Toban Arrimood Oo Ay Muhiim tahay in Aadan Ka Ogaato Mudaaharaadyada Ka Socda Dalka Iran [WARBIXIN].

Wednesday January 03, 2018 - 21:24:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Toban Arrimood Oo Ay Muhiim tahay in Aadan Ka Ogaato Mudaaharaadyada Ka Socda Dalka Iran [WARBIXIN].

    Magaalooyinka waa weyn ee wadanka Iiraan waxaa wali ka socda kacdoonno shacabi oo ka dhan ah dowladda iyo wadaada shiicada ee caanka ku ah soo saaridda Fataawaadka faraha xasuuqa Muslimiinta sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalooyinka waa weyn ee wadanka Iiraan waxaa wali ka socda kacdoonno shacabi oo ka dhan ah dowladda iyo wadaada shiicada ee caanka ku ah soo saaridda Fataawaadka faraha xasuuqa Muslimiinta sunniga ah.



Hadaba waxaa is weydiin leh maxaa sababay kacdoonka shacbiga ah ee gilgilay tiirarka dowladda iiraan oo kamid ah dowladaha ugu awoodda badan mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe islamarkaana sanadadii lasoo dhaafay dadaal ugu jirtay sidii ay u hanan laheyn Hubka wax gummaadka ee Niyugleerka.

1-Sidee buu ku bilowday Mudaaharaadka?.

Mudaaharaad aan sidaas u buurneyn ayaa 28-kii Dec ka dhacay magaalada Mash-had oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn dalka Iran kaas oo looga soo horjeeday sicir bararka, Shaqa la’aanta, iyo dhaqaala xumada, waxaana dadku ay ku dibadbaxeen mas’uuliyiin uu ku jiro madaxweyne ku xigeen Iran oo halkaas booqasho ku tagay. Kacdoonka oo ku koobnaa magaalada Mash-had oo kaliya ayaa durbaba ku faafay magaalooyin kale, ugu dambeyntiina ku sii fiday dhamaan gobolada wadanka. Saraakiil ku dhow-dhow Xasan Ruuxaani, madaxweynaha dalka ayaa kacdoonkan ku eedeynaya nin lagu magacaabo Ibraahim Ra’iisi oo ah ninka ugu sareeya mucaaradka. Dibadbaxyadu waxay ku bilowdeen ha dhinto Ruuxaani, ka dibna waxay isku badaleen hal ku dhigyo si toos ah u beegsanaya Nidaamka iyagoo ku dhawaaqaya "ha dhinto Dictatorka” oo ay kala jeedaan Cali Khameyni, wadaadka ugu sareeya wadanka.



2-Waa Kuma dadka dibadbaxaya?

Inta badan dadka taagan wadooyinka iyo fagaarayaasha ee hurinaya rabshadaha waa dhalinyaro da’doodu u dhexeyso 25 sano ilaa 30 sano oo u badan ardayda jaamacadaha kuwaas oo ah dadka ay saameynta ugu badan ku yeesheen dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dalka sida shaqa la’aanta iyo mushaar yarida. Ka dib heshiiskii ugu dambeeyey ee sanadkii 2015-kii Iran looga qafiifiyey cunaqabateynta, waxaa Xasan Ruuxaani uu balanqaaday in uu hagaajin doono dhibaatada dhaqaale ee dalka balse falanqeeyeyaashu waxay sheegayaan in xaaladu ay sii xumaatay tan iyo wixii markaas ka dambeeyey, taasna waxay keentay in rajo beel ay noqdaan dhalinyaro badan oo fileysay isbedal ku yimaado dhaqaalaha wadanka.

3-Maxaa Lagu heystaa Dolwadda?

Iyadoo markii hore dibadbaxu ahaa mid looga cabanayo dulmiga xagga dhaqaalaha ee ka jira dalka, waxaa hadana cajiib ah in durbaba ay la soo baxeen culeys siyaasadeed. Halku dhigyadu waxay hadda isku badaleen kuwo lagu dalbanayo in uu iscasilo Cali Khamaney, wadaadka ugu sareeya wadanka, iyo in la soo afjaro Nidaamka kacaanka Iran oo loo noqdo nidaamkii Malakiga ee uu riday kacaanku 1989-kii. Mudaaharadayaashu waxay sidoo kale aad uga soo horjeedaan siyaasadda arimaha dibadda ee Iran iyo loolanka ay kaga jirto gobolka, Iyagoo tilmaamaya in dowladda ay dhaqaalihii wadanka ku lumisay maalgeinta iyo taageerida ururada shiicada ah ee ka jira Lubnaan, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen, ka dibna ay iska ilowday dadkeeda. Erayada ay mudaaharaadayaashu ku dhawaaqayaan waxaa ka mid ah: "Faraha kala baxa Suuriya, ee Anaga naga fikira, "Waa in aan Iran ka hor marinaa Lubnaan iyo Ciraaq” iyo erayo la mid ah.

4-Waa sidee xaaladda Dhaqaale ee dalka?

Xaaladda dhaqaale ee wadanka waa mid aad u liidata, sicirbararku wuxuu sare u dhacay 12%. 40% wuxuu sare u sii kacay wixii ka dambeeyey doorashadii madaxweynaha hadda jooga kaas oo talada la wareegay sanadkii 2013-kii. Bilooyinkii ugu horeeyey ee uu xafiiska yimid wuxuu balanqaaday in uu isbedal u hor seedi doono dhaqaalaha sii xumaanaya ee dalka balse si la mid ah hogaamiyeyaashii isaga ka horeeyey, wuxuu qasnadaha maaliyadda ee dowladda ku faarujiyey mu’asasaatka ciidanka gaar ahaan Guutada Feylaq Qudus ee qaabilsan dagaalada Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, taas oo ay sii dheertahay taageerada uu siinayo ururada shiicada.

Shaqa la’aanta ayaa sidoo kale cirka isku shareertay. 40% dhalinyaradu waa shaqo la’aan. In ka badan 3 milyan oo Iraaniyiin ah ayaa sidoo kale shaqo la’aan ah. Intaas waxaa sii dheer cuntada aas-aasiga ah sida Ukunta iyo digaagta ayaa 40% sare u kacday.

5-Waa Kuwee Gobolada Ay Ka Socdaan Dibadbaxyada?

Goobaha ugu xoogan ee ay ka socdaan mudaaharaadyada waxaa ugu waaweyn Magaalada Tehran oo ah caasimadda dalka, Magaalada Qom oo ah magaalada 3aad, iyo Mash-had oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn dalka, sidoo kalena ah halka uu ka soo bilowday kacdoonka. Waxaa soo raaca magaalooyinka Isfahan, Xamedan, Rasht iyo Kermanshah. Arinta xiisaha leh waxay tahay in dibadbaxyadan ka soo bilowday magaalooyinka ay shiicadu ku badan yihiin ay hadda ku soo fideen deegaanada ay dagaan Muslimiinta Sunniga ah ee tirada yar ee ku dhaqan dalka Iran taas oo loo arko fursad ay dadka Suniga ah ay isaga dulqaadi karaan Nidaamka dambiilaha ah ee Tehran.

6-Waa Sidee Xaaladda Muslimiinta Suniga ee Ku Nool Iran?

Muslimiinta Sunniga ah waxaa lagu qiyaasaa 10% bulshada ku nool dalka Iran, Waxayna ku nool yihiin gobolada Sistan iyo Bolojistan, Kurdistan, Kermenshah, Khorasan iyo Khozestan. Goboladan waxay ka mid yihiin dhulka ugu badan ee uu ka socda kacdoonka hadda looga soo horjeedo Nidaamka Tehraan, Waxaana Muslimiinta Sunniga si la mid ah dadka intooda ay tani u arkaan fursad ay isaga dul-qaadayaan nidaamkan Mujrimka ah. Si uu u kasbado taageerada Muslimiinta Suniga ah, wuxuu Xasan Ruuxan cadeeyey in dowladiisa ay balanqaaday xuquuq siman oo ka dhexeysa dadka Suniyiinta iyo Shiicada Iran balse hay’adaha maxaliga ah ee gudaha Iran waxay sheegayaan in balanqaadkaas uu ahaa mid aanan dhaafsiisneyn bishimaha. Hay’ada HRW waxay sheegtay in Muslimiinta laga badan yahay ee Iran oo ay ku jiraan kuwa Sunniyiinta ay wajahayaan faquuq iyo isirsifeyn, iyadoo la xadidayo ka qeybgalkooda siyaasadda iyo shaqaaleysiinta, lagana ilaalinayo siyaasiyiintooda qabashada xilalka waaweyn. Warbixin ay soo saartay hay’addan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xitaa dadka Muslimiinta laga hor istaagay in magaalooyinka waaweyn ka dhistaan Masaajid iyo madaarista lagu barto cilmiga sharciga.

7-Ma Jiraan Jamaacaad Jihaadi Ah Oo Ka Faa’ideysan Kara Kacdoonkan?

Arinta xiisaha leh waxay tahay in Jamaacada Jihaadiga ah ee lagu magacaabo Ansaru Furqaan oo ah koox Jihaadi ah oo halgan kaga jirta deegaanada Muslimiinta Suniga ee gudaha Iran ay markii ugu horeysay dhimbilaha jihaadkeeda gaarsiisay magaalada Axwaaz ee gobolka Khozestan ka dib sanado badan oo ay ka halgameysay gobolka Bolojistan ee saaran xad-beenaadka kala qeybiya Pakistan iyo Iran. Ansaaru Furqaan waa koox Jihaadi ah oo leh boqolaal dagaalyahano ah oo u badan dhalinyarada Suniga ah ee dalka, waana jamaaco u halgameysa in Muslimiinta dulman laga dul qaado nidaamka faarsiga ah ee ka jira Iran. Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Telegramka ayey Ansaaru Furqaan ku sheegatay Mas’uuliyada weerar ay ku qaaday dhuumo shidaal oo mara magaalada Axwaaz ee caasimadda gobolka Khoseztan, iyadoona weerarka ku tilmaantay midkii ugu horeeyey ee ay fuliso katiibo cusub oo Mujaahidiintu ay ka hirgeliyeen mandiqadaasi.Muuqaallo kooban oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa mujinayey uuro iyo holac ka socda dhuumaha shidaal ee la qarxiyey. Mujaahidiintu waxay sheegeen in ujeedka weerarka uu ahaa in qasaare culus la gaarsiiyo dhaqaalaha nidaamka Mujrimka ah ee dalka Iran.

8-Iran Yey Ku Tuhmeysaa Hurinta Rabshadaha?

Wadaadka ugu sareeya Nidaamka Iran Cali Khomeyni oo qudhiisa ka mid ah madaxda sawiradooda lagu gubayo fagaarayaasha Iran ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisadda ka taagan dalka, Waxaana hadal laga sii daayey TV-ga Rasmiga ah ee dowladda uu ku sheegay in cadowga Iran ay ka faa’ideysanayaan hurinta mudaaharaadka ka socda wadanka. "Cadowga wuxuu gaadayaa fursad uu nagu soo dhexgalo, eeg dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dhacay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, dhamaan kuwa ka soo horjeeda Iran waxay rabshadahan ku bixinayaan lacag, hub, siyaasad iyo sirdoon intaba, waxay isugu tageen si ay ugu suuragasho in ay dhibaato ku kiciyaan dowlada Iran.” Ayuu yiri. Inkastoo uusan dowlad gaar ah tilmaamin hadana falanqeeyeyaal badan waxay farta ku fiiqayeen Mareykanka, Ingiriiska iyo Nidaamka Aala-Sacuud.

9-Sidee bey Reergalbeedka U Arkaan waxa ka socda Iran.

Madaxda iyo warbaahinada reergalbeedka ayaa dareen xooggan siinaya dibadbaxyada ka socda Iran, Iyagoo tani ku tilmaamaya go’aan uu shacabku ku doonayo isbedal. Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa silsilado qoraallo ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku weeraray madaxda Iran kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa uu hareereyey musuq-maasuq oo jeebka ku ritay dhaqaalihii dadkooda. Safiiradda Mareykanka u fadhisa QM, Nikki Haley ayaa iyadana sidoo kale Shirjaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Newyork ku sheegtay in aanu aduunka fiirsan doonin waxa ka socda Iran, Iyadoo sheegtay in Golaha Amaanka ay geyn doonaan fadhi deg deg ah oo looga hadlayo arimaha Iran. Afhayeenka wazaarada arimaha dibadda ee Iran, Bahraam Qaasimi oo ka warceliyey hadalada ka soo yeeray madaxda Mareykanka ayaa isna yiri: "Trump waa in uu ku mashquulaa xiisadaha gudaha ee ka taagan dalkiisa sida dilalka joogta ah ee maalin waliba ay ku dhintaan tobanaanka ruux iyo malaayiinta gaajada iyo gurya la’aanta ku heysato gobolada Mareykanka”.

10-Maxaa la filan karaa?

Wey adag tahay in la saadaaliyo masiirka xiisaddan. kacdoonku si xoogan buu u sii fidayaa maalinba maalinta ka dambeysa, dadweynuhuna waxay isku dayayaan in ay hub helaan si kacdoonka uu u noqdo mid hubeysan. laakiin waxaa dhanka kale la saadaalinayaa in kacdoonka haddii uu sii socdo ay ku soo biiri doonaan ciidamada kacaanka oo hadda weli aanan so faragelin arinta, kaliyana, haddii ay xaaladu adkaato, Nidaamka wuxuu adeegsan doonaa awood si uu u qamciyo shacabka. Sanadkii 2009-kii sidan oo kale kacdoon xoogan ayaa ka dhacay dalka balse bilooyin dhiig badan uu daatay iyo rabshado xoogan oo geystay burbur lixaadleh, waxaa ugu dambeyntii nidaamka uu isticmaalay awood taas oo ugu dambeyntii lagu qamciyey mudaharadayaasha. Arinta kale ee la hadal hayo ayaa ah in aanu jirin hogaamiyeyaal horboodaya kacdoonka oo jooga gudaha taas oo mudaaharaadka ka dhigi karta mid hadaf la’aan ah oo aan istaraatiijiyad lahayn.

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed