Kheyre Oo Shaqada Ka Eryay Wasiirro uu Kamid Yahay Yuusuf Garaad Cumar.

Thursday January 04, 2018 - 07:31:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kheyre Oo Shaqada Ka Eryay Wasiirro uu Kamid Yahay Yuusuf Garaad Cumar.

    War goordhow kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha dowlada Federaalka ayaa xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay tiro katirsanaa gobolaha Wasiirrada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha dowlada Federaalka ayaa xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay tiro katirsanaa gobolaha Wasiirrada.

Seefta xilka qaadista ayaa qaadday Wasiirro ay kamid yihiin Yuusuf Garaad oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda iyo Cabdi Faarax Juxa wasiirkii arrimaha gudaha.

Durbadiiba wasiirro cusub ayaa lasoo magacaabay, tallaabadan ayaa loo sababeynaa khilaaf dhanka siyaasadda ah oo Ragaadiyay Hoggaanka dowladda Federaalka, wasiirrada xilalka laga xayuubiyay kama mid aheyn mas'uuliyiinta muxaafadka ah waxaana loo arkayay kuwa kasoo horjeedo Kheyre iyo  Farmaajo.


Saddex wasiir ee shaqada laga eryay ayaa kala ah

1. Yussuf Garad Cumar…wasiirka arrimaha dibedda
2. Khadra Axmed Ducale ganacsiga iyo warshadaha
3. Cabdi Saciid Faarax (Juxa) arrimaha gudaha iyo federaalka

Sedaxdan hoose ayaa lagu bedelay

1. Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Ganacsiga iyo warshada
2. Cabdi Maxamed Sabriye, arrimaha gudaha
3. Danjire Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibedda

la soco wixii soo kordha

Related Items