R/wasaaraha DF-ka Xasan Cali Kheyre ayaa xaqiijiyay in musuq maasuq baahsan uu wali ka dhax jiro madaxda dowladda isagoo dhaliilay qaabka ay wax umaamusho wasaaradda maaliyadda.
Kheyre oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa carabaabay in
mudada ay jirtay xukuumaddiisa aysan waxba ka qaban adeegyada bulshada wuxuuna
rejo xumo ka muujiyay in dowladdiisu ka gudubto xatooyada dhanka maaliyadda ah.
Dowladda Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay joojisay
lacago malaayiin dollar ah oo ay siin jirtay melleteriga DF-ka sababa la
xiriira musuq maasuq iyo xatooyo ay ku dhaqaaqeen saraakiisha ciidanka.
Video: Xasan Cali Kheyre Oo Xaqiijiyay in Xukuumaddiisu Wali Dhax Muquuranayso Musuq Maasuq iyo Xatooyo Maaliyadeed.
R/wasaaraha DF-ka Xasan Cali Kheyre ayaa xaqiijiyay in musuq maasuq baahsan uu wali ka dhax jiro madaxda dowladda isagoo dhaliilay qaabka ay wax umaamusho wasaaradda maaliyadda.