Beesha Eelaay oo ugaas cusub caleemo saaratay [Sawirro iyo dhegeysi].

Thursday January 04, 2018 - 15:59:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Eelaay oo ugaas cusub caleemo saaratay [Sawirro iyo dhegeysi].

    Beesha Eeelaay ayaa ugaas ku dooratay gobalka baay gaar ahaan deegaan hoos taga degmada buurhakaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Eeelaay ayaa ugaas ku dooratay gobalka baay gaar ahaan deegaan hoos taga degmada buurhakaba.



Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday deegaanka bisiq cadde oo lixdameeyo kiilow mitir u jira buurhakaba ayaa lagu shaaciyay in in Eeelaay ugaas u dooratay ugaas maxamed ugaas suure ugaas cabdi caliyoow ayna ku mideysantahay.

nabadoonada beesha qaar oo goobta ka hadlay waxay balan qaadeen in ugaaska ay siinayaan boqol neef oo geel ah, boqol ari ah iyo boqol malyan oo shilin soomaali ah.

ugaasyada iyo nabadoonada beelaha dega baay iyo bakool iyo saraakiil ka tirsan xarakada mujaahidiinta alshabaab oo uu hor kacayay waaliga baay iyo bakool sheekh cabdulaahi macalin geeddow ayaa xafladda ka soo qeyb galay waxayna ugaas maxamed allaah uga baryeen in uu xilka culus ee dusha loo saaray la garab galo.



dadweyne ka kala yimid meelo kala duwan oo beeshu degto ayaa ka mid ahaa ka qeyb galayaasha waxaana xafladdu ka dhacday meel geedo hoos tood ah sida dhaqanka soomaalidu yahay.

Halkaan ka dhegeyso warbixin Ugaaska cusub ee eelaay ku saabsan


Related Items