Al Shabaab Oo Sarkaal Sare Ku Dishay Boosaaso.

Thursday January 04, 2018 - 16:16:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sarkaal Sare Ku Dishay Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday mas'uul katirsanaa maamulka 'Puntland' isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday mas'uul katirsanaa maamulka 'Puntland' isku magacaabay.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa maanta barqadii gudaha magaalada Boosaaso ku dilays arkaal laba Xidigle ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Xasan Xiir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, sarkaalka ladilay ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Daraawiishta sida ay sheegeen mas’uuliyin ku sugan Garowe.

Shalay ayay aheyd markii qarax ka dhacay wadada xiriirisa Boosaaso iyo Galgala lagu dilay Khabiir qaabilsanaa kala furfuridda waxyaabaha qarxa.


Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ka geysanayso deegaanno katirsan Gobollada Bari iyo Mudug.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items