Maxaa ka Jira in Madaxii Howlgallada Al Shabaab Ee Gedo uu isku Dhiibay Dowladda Federaalka?

Friday January 05, 2018 - 13:36:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka Jira in Madaxii Howlgallada Al Shabaab Ee Gedo uu isku Dhiibay Dowladda Federaalka?

    Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay faafinaysay war ay ku sheegayso in Sarkaal katirsan Al Shabaab uu iska dhiibay gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay faafinaysay war ay ku sheegayso in Sarkaal katirsan Al Shabaab uu iska dhiibay gobolka Gedo.

Shabakadda SomaliMeMo ayaa dabagal ku sameysay waxa uu yahay Ninka lagu magacaabo Aden Ibrahim oo lagu sheegay in uu ahaa madaxa howlgallada Al Shabaab ee gobolka Gedo.

Waxaan khadka Taleefanka kula xiriirnay mas’uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Gedo iyo dadka deegaanka, ugu horreyn mas’uuliyiinta ayaa noo xaqiijiyay in warka ay faafisay warbaahinta uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba kajirin.

"Warka kasoo yeeray Cadowga waa mid aan waxba kajirin Ninkan ay soo Bandhigeen waligiis kama mid noqon mujaahidiinta waana Nin iyagu ay sameysteen, shacabka waxaan u xaqiijineynaa in uusan Aden Ibrahim kamid aheyn mujaahidiinta waligiisna uusan kamid noqon” sidaas waxaa yiri mas’uul katirsan wilaayada islaamiga Gedo oo SomaliMeMo lahadlay.


Waa Kuma Aden Ibrahim?.

Ninkan sawirkiisa ay faafisay dowladda Federaalka wuxuu kamid ahaa dadka shacabka ah ee kunool deegaannada hoos yimaad magaalada Garbahaarey wuxuuna  ahaa xoola dhaqato.

Aden Ibrahim waxay wada dhasheen mid kamida dagaalyanadda Xarakada Al Shabaab ee gobolka Gedo, balse  waligiis xarakada kama mid noqon marka laga reebo in uu tagi jiray deegaannada wilaayada Islaamiga Gedo maamusho sida Tuulo Barwaaqo isagoo shacabka caadiga ah kamid ah.

Qof ay Qaraaba yihin ayaa noo sheegay in Ninkan Garbahaarey lagusoo Bandhigay uu ahaa tuug walaalkiis oo Alshabaab katirsan hanti kasoo xaday "Aden Ibrahim wuxuu ahaan jiray xoola dhaqato dhowr habeen ka hor ayuu guriga walaalkiisa oo shaqo ugu maqan Jubbooyinka wuxuu kasoo xaday qori AK4 ah iyo lacago dhowr Milyan shilin soomaali ah kadibna wuxuu tagay magaalada Dooloqw oo ay joogaan saraakiil ciddiisa ah oo dowladda katirsan intaas ayaan ka ogahay” sidaas waxaa yiri qof ku sugan Tuulo Barwaaqo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Xisbada wilaayada Gedo ay xireen Aabaha dhalay Ninka Tuugga ah ee Hantida xaday kadibna degmada Dooloow ugoostay waxaana loo heystaa hantida wiilkiisu xaday waxaana socda dadaallo ay wadaan dadka xigtadiisa ah oo ay ku baadi goobayaan sidii loo magi lahaa hantida uu xaday, arrinta layaabka leh ayaa ah sida Nin aan waligiis tababar melleteri qaadan islamarkaana aan safka xarakada ku biirin oo reer miyi ah ku noqonayo madaxa howlgallada Mujaahidiinta!

Marka laysku soo xooriyo arrintan waa fadeexad kale oo DF-ka ay ku kacday waxayna madaxda DF-ka caadeysteen faafinta warar been ah oo ay jiha wareerinayso bulshada balse xaqiiqda dhabta ah ayaa saaxada taalla.

Sanaddii lasoo dhaafay Yariisoow oo ah wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay beentii ugu weyneed markii uu yiri "ciidanka Kumaandooska ayaa howlgal lagu dilay 800 alshabaab ah ka fuliyay degmada Jilib kadibna dib ugusoo laabtay halkii ay ka weerar tageen”!!.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items