Askari Jabuutiyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Buula Burde.

Friday January 05, 2018 - 13:34:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Jabuutiyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Buula Burde.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM ee xoogga ku jooga qeybo katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM ee xoogga ku jooga qeybo katirsan gobolkaasi.
Qarax maanta barqadii ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buula Burde ayaa sababay dhimashada Askari Jabuutiyaan ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo lala eegtay goob ay garoonka diyaaradaha uga sugnaayeen ciidamada Jabuuti,sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka HirShabelle ee magaaladaasi ka arrimiya.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay Buula Burde lagu dilay ciidamo Jabuutiyaan ah, balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka Jabuuti oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay qaraxyada lala helay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items