Saraakiil Katirsanaa Nabad Sugidda DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Xamarweyne.

Friday January 05, 2018 - 21:21:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Katirsanaa Nabad Sugidda DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Xamarweyne.

    Xoogag hubeysan ayaa caawa Fiidkii magaalada Muqdisho ku dilay saraakiil katirsanaa Ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo ku sugan Muqdisho
Xoogag hubeysan ayaa caawa Fiidkii magaalada Muqdisho ku dilay saraakiil katirsanaa Ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka.


Goob joogayaal ayaa sheegay in bartamaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir lagu dilay laba sarkaal oo katirsan kuwa Nabad sugidda, xoogaga weerarka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Ragga weerarka geystay ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay saraakiisha Nabad sugidda Dowladda Federaalka oo isla goobta ku dhintay, weerarkan ayaa ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo waxaana xusid mudan in degmada Xamarweyne ay ku xoogantahay dowladda Federaalka.


Dilalkan ayaa qeyb ka ah weeraro silsilada ah oo maalmihii lasoo dhaafay lala eeganayay saraakiisha maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa Melleteriga, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarkan sida ay faafisay idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items