Mas'uuliyiin Katirsan Maamulka 'Galmudug' Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Shir Baabuur.

Saturday January 06, 2018 - 12:37:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin Katirsan Maamulka 'Galmudug' Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Shir Baabuur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saraakiil katirsan maamulka 'Galmudug' ay ku dhinteen shil gaari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore shil baabuur
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saraakiil katirsan maamulka 'Galmudug' ay ku dhinteen shil gaari.


Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiil katirsan Sirdoonka maamulka Galmudug ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen gaari kula rogmaday deegaanka Gelinsoor ee dhaca inta u dhaxaysa Cadaado iyo Gaalkacyo.

Dadka dhintay waxaa kamid ah taliye sare oo katirsanaa sirdoonka maamulka Galmudug  sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray askar ilaala ka aheyd gaariga rogmaday, ma ahan markii ugu horraysay oo shil gaari uu ka dhaco deegaanno katirsan gobolka Mudug.


Sanaddii lasoo dhaafay gaari ku rogmaday wadada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado waxaa ku dhintay mid kamida wasiirrada maamulka isku magacaabay 'Galmudug'.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items