30 Askari Kenyaan Ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Ka Dhacay Mandheera.

Saturday January 06, 2018 - 20:21:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Askari Kenyaan Ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Ka Dhacay Mandheera.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo ciidamo katirsan melleteriga Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Mandheera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo ciidamo katirsan melleteriga Kenya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Mandheera.

Wararka ka imaanaya gobolka Soomaalida NFD ee Waqooyi Bari loo bixiyay ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay gaari nuuca ciidanka xambaara ah oo ay la socdeen ciidamada melleteriga Kenya ee KDF-ta loo yaqaan.

Qaraxa ayaa haleelay ciidamo ka baxay dhanka degmada Ceelwaaq kunasii jeeday gudaha Kenya, ilo wareedyo ayaa sheegay in 30 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka lagu magacaabo Kutulo oo isbuucii lasoo dhaafay lagu dilay 6 askari oo Boolis ah.


Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 30 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka dowladda Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items